Waanu Raali Gelinaynaa Suldaanka, Cali Mareexaana Falaadhi Af-Xumo Kaga Hadhi Mayso….W/Q Garyaqaan Ayaanle

Sudaanka Guud Ee Beelaha Soomaliland Sul Maxamed Sul Cqadir ma Gayo Aflagaadada Qaawan ee uu Cali Mareexaan iskaga Difaacay Dhulka Danta guud ee uu Boobayo Waana in uu Xaal iyo Raali galin ka bixiyaa hadalkaas afkii Jirida ah.

Dhawaan uun bay ahayd Markii uu Suldaanku soo bandhigay Cadaymo iyo Cabashooyin la xidhiidha Dhulka danta guud ee uu Beryahan dambe wasiir Cali Mareexan Wareerarka ku hayo sida aynu kawada dheehano Television da iyo Baraha Bulshada Maalin kasta wax intaas dheerna Suldaanku ma sheegin lkn Waxa Cali gubay waa Cadaymaha lagu Qabtay taas waxaan ka leeyahay Falaadhi Gigilasho iyo aflagaado kaagama Hadho waana

mid ku dabasoconaysa if iyo aakhiro ba.
Hadii ay raaligalintaasi ka iman Waydo Cali Mareexaan waxa uu la kulmi doona Jawaabaheeda waxaaana u jawaabi dad afka jirida ee uu ku hadlay ugu Jawaaba umada Kale way jawaabi Doonta Ninkaas ku xadgubay Karaamada iyo sharafta Suldaanka Guud Ee Dhaqanka.

Waxaana marag ma doon ah in aanu Cali Mareexan Maalintaas Caadi ahayn markaad qiimayso afka iyo jawaabta uu Suldaanka siiyey

GARYAQAAN AYAANLE XALIYE

ayaanlemcige@gmail.com

Telephone:-0634221796