“Waa Runtii Jamaal Cali Xuseene, Muusi Biixi Waa Fulay Kuwa Ku Xeerana Qof Dhaama Kuma Jiro” Muj: Cali Guray

(SLT-Hargaysa) Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID, Muj: Cali Yuusuf Axmed (Cali Guray) ayaa sheegay inuu u markhaati furaayo Jamaal Cali Xuseen oo ku sheegay Muuse Biixi Murashaxa Xisbiga KULMIYE inuu yahay fulay. Cali Guray ayaa qoraal uu arrintaas kaga hadlaayo wuxuu ku yidhi.

000000000000000000000000000000000000000000000000000

“Ma talo fiicna oo isaga oo banaan heli kara ayuu qar iyo buur isku qaadaa isaga oo leh “Hoyaday-baa nin dhashay” iyaguna ay daba gundhinayaan halkii colkii Geedi-baabuu iyo maansadii Cabdiqayse ” WAA RUNTIIYOO HOYADII BAA NIN DHASHAY”. Aniga ayaa ku taliyay waar inta uu Faysal Cali Waraabe sidii Gaani u isticmaalayo Muuse Biixi,  horta muu bal xagga dhaqanka ku horeeyo haddii uu rabo tanaasul? Waxa la iigu jawaabay iska daa Faysal Cali Waraabe ayaa Guddoomiyaha UCID ah oo yidhi Golaha Dhexe ayaan fashiisinayaa oo anigaa  laba u soo kala jaraaya Jamaal.

Halka ay la maraysana waydinkaa arkaaya,  tolkii kala dil meelahaas uun afka ha taago,  Jamaalna nin sida ay u fududaysanayaan noqonaya maaha. Markaan bartay Faysal Cali Waraabe  ayaan goostay in aanan kan la sii murmin oo aan uga tago Xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen baa igu dhaartay kolkii horena isaga igu dhaartay markii ay heshiiska kala saxeexdeen. Aniga oo UDUB iskaga sii hadhay. Laakiin UCID waxan ka Faa’iiday keliya qof aan u haystay inu intaa dhaamo ayaan ku bartay. Maanta buug haddii aan is idhaado  ka qor biyo u kaban maayo ku horeba waa laga qoraye”.

Ali Guray