DAAWO: “Waa Mooshin Qutayaal…” Xil. Xoog Oo Markale Aflagaado Qaawan Ku Weeraray Mudanayasha Golaha Wakiilada

(SLT-Hargaysa) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog, oo ka tirsan Golaha Wakiilada iyo Xisbiga WADANI, ayaa markale aflagaado qaawan oo toosa wuxuu ku weeraray Mudanayaasha ay isku golaha yihiin ee Muxaafidka ah, wuxuuna ku tilmaamay Mooshin Qutayaal Maskaxdooda lala leeyahay waa siduu hadalka u dhigaye, halkuu isaga iyo Xildhibaanada Xisbiga WADANI ku sheegay inay yihiin Mudanayaal Xalaal ah oo xor ah.

ciroboorama12

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo ka hadlaayay Golaha Wakiilada fadhigiisi maanta oo ay ka soo qayb galeen tiro kooban oo kamid ah Xildhibaanada tageera Xisbiga WADANI, waxa hadaladiisi kamid aha. “Ummadyahay waxa is haya laba garab, maha sida saxaafaddu sheegto Mucaarid iyo Muxaafis, maha balse waxa is laha, Xildhibaano Mooshin qutayaal ah oo maskaxdooda lala leeyahay, iyo Xildhibaano Xor ah, waxa is haya doorasho doon iyo doorasho diid.”

Aflagaadada Xildhibaan Xoog ku weeraray Mudanayaasha Baarlamaanka ee dhigiisa ah ayaan ahayn tii koobad, iyadoo dhawaan maruu hadlaayay uu sidan oo kale u aflagadeeyay Mudanayaasha Golaha Guurtida.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

contact@somalilandtoday.com