Wasiirka Madaxtooyada Oo Faahfaahiyey Shirkii Maalgashiga Oo Uu Khudbad Ka Jeediyay

London (Somalilandtoday) – Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa faahfaahiyey shirkii Maalgashiga ee Somaliland loogu qabtay Magaalada London, kaasi oo uu wasiirku ka jeediyey khudbad ku arooreysay fursadaha Maalgashi ee Somaliland yaalla.

unnamed (4)

Wasiirka ayaa qoraal dheer oo uu ku faahfaahinayo shirkaasi waxa uu xalay ku baahiyey website-ka Guusha.com, waxaanu u dhignaa sidan “Siday aynu ognahay xidhiidhka Caalamiga ah ee Dawladaha dhex mara oo Maalgashigu ugu muhiimsan yahay  waa muftaaxa kor-u-qaadida dhaqaalaha, la dagaalanka shaqo la’aanta iyo abuurida fursado shaqo. Haddaba, Shir bilow  u  noqon doonaa in daboolka laga qaado Khayraadka Somaliland ayaa ka qabsoomay Whitehall, London . ee Boqortooyada Ingriiska

Dhanka  Dalkeena Somaliland si aynu  u muujino  inta aynu  diyaar u nahay Maalgashi Caalami ah isla markaana caalamka u tusno inta ay inaga go’an tahay soo dhawaynta Shirkadaha danaynaya Somaliland waxaa kulanka ka qaybgelay Madaxweynaha Dalkeena Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamoud  oo aan  wehelinayno  toddoba kamida Golihiisa Wasiirada, sidoo kale si loo abuuro xidhiidhi ganacsi oo dhex mara shirkadaha dalkeena iyo kuwa dalalka kale  waxaa kulanka ka qaybgelay Ganacsato reer Somaliland ah.

Dhanka kale waxaa kasoo qaybgelay Masuuliyiin tiro badan oo uu u horkacayo Wasiirka Boqortooyada Ingriiska u qaabilsan Africa, Danjiraha Boqortooyada Ingriiska u Qaabilsan Arimaha Somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee Somalila  iyo sidoo kale  shirkado ganacsi oo ka kala yimid dalal kala duwan oo adduunka ah kuwaasi oo danaynaya inay maalgashadaan dalkeena   Somaliland.

Ugu horayn waxaanu si guud mar ah uga waranay Somaliland iyo Taariikhdeeda iyo sida ay u tahay dal ka duwan Mindiqada  ay ku dhex taalo,   Waxaanu warbixin mug dheer ka siinay sida Somaliland ku timid iyo sida ay u tahay xaqiiq ku dhisan rabitaan umadeed isla markaana aanay ahayn mid jiritaankeeda  shuruud  ku xidhan tahay ““Ictiraaf”!

Sidoo kale,  waxaanu si ballaadhan caalamka u tusnay astaamo keeni kara Maalgashi caalami ah oo lagu sameeyo dalkeena Somaliland oo  ay kamid yihiin Nabadda iyo Dimuqraadiyada ka jirta dalkeena, qodobbadaas  oo dabcan ah shuruudaha aasaasiga u ah in lagu soo dhiirado imaatinka iyo maalgashiga shirkad dal kale ku samaysato.

Waxaanu si qoto dheer dhinacyo kala duwan uga tusnay xeerarka maalgashiga ee dalkeena u yaalla iyo sida suuqa Somaliland uu u  yahay mid xor ah oo u furan tartan.

Waa dhab oo dalkeenu waa dal dihin oo daboolan isla markaana diyaar u ah in uu soo jiito indhaha shirkadaha caalamka, sidaas darteed, waxaanu soo bandhignay dhinacyada laga maalgashan karo iyo sida dal iyo dadba diyaar loogu yahay.

Intii kulanku socday waxaa sidoo kale ka hadlay qaar  kamida  shirkadaha hadda dalkeena jooga oo dabcan ka marag furay amniga iyo amaanka dalkeena ka jira iyo soo dhawaynta ay kala kulmeen dal iyo dadba. Waxaa sidoo kale ka hadlay shirkado hadda diyaar u ah in ay maalgashadaan dalkeena Somaliland oo ay kamid tahay shirkad danaynaysa in ay maalgashato dekeda Berbera oo magaceeda la yidhaa Bollore Africa Logistics. Halkaas oo ay  Masuuliyiinta Shirkadaasi ka sheegeen siday uuga go’an tahay maalgashiga Somaliland iyagoo arintaas ka hadlayana waxay yidhaahdeen:

Aragtida fog ee aanu ka leenahay Dekada Berbera waa in aanu ka dhigno dekedda uugu wanaagsan qaaradda Africa oo leh dhamaan adeegyada looga baahan yahay.

Gabogabadii Shirkan ayaa waxay shirkaduhu su’aalo la xidhiidha Xeerarka Maalgashiga ee dalkeena iyo shuruudaha dal ku galka “Visa” Somaliland goobta kasoo jeediyeen.

 Nuxurkii Xidhitaanka Shirka ayaa noqday  in la gaadhay wakhtigii lagu dhiiran lahaa maalgashiga Somaliland Isagoo arintaas ka hadlay  Danjiraha Boqortooyada Ingriiska u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee Somalia Mr Neil Wigan   ayaa yidhi “Waa la gaadhay Wakhtigii lala iman lahaa geesinimo ku filan in lagu dhiirado maalgashiga Somaliland”.

Xigasho Wargayska Somalilandtoday.