Waa Kuma Baashe Cawil: Safiirka Loo Magacaabay Imaaraadka ?

(SLT-Hargaysa)Safiirka cusub ee Madaxweynaha Somaliland u magacaabay dalka isutaga Imaraadka Carabta, ayaa ah Baashe Cawil Xaji Cumar oo ah muwaadin Somalilander ah, wuxuu tacliintiisa hoose dhexe ku qaatay Magaalada Hargaysa, Iskuulkiisi sare wuxuu ka dhigtay Magaaladda Muqdisha ee Caasimadda dalkii laysku odhanjiray Somaliya, halkaas oo uu degaan aabihi Cawil Xaji Cumar oo aha ganacsade iyo Siyaasi, waxbarashadiisi sare wuxu  ka qalinjabiyay jaamacada sadexaad ee dalka ingiriiska ugu sareesa, ee la yidhaah Univeristy College London UCL (London University) waxaana uu ku takhasusay maadadada Chemistry. Waxaa uu ka helay Scholarship Jaamacada Manchester University isaga oo siiwata tacliintiisa, wuxuuna uu MSc ku sameeyay Petrochemistry.

image

Waxa markiiba shaqo uu ka helay Shirkada ugu weyn dunida ee sameesa qalabka ama machiinada caafimaadka lagu baadho, ee magaceeda la yidhaah Thermo Fisher Scientific, ee xarunteedu yahay dalka USA. Halkaas mudo 10 sanadood ah uu ka shaqeenayay isaga oo ah Research Scientist. Ka dib waxa ay shirkadiisu usoo wareejisay dalka Ingiriiska magaalada Manchester 2007 kii, waxaana uu halkaa ku sugnaa mudo 4 sanadood ah, intii aanu usoo wareegin Narobi. Muduuyinkaa uu degenaa California iyo Manchester ba waxa uu Bashe Awil H Omar ku lahaa hanti guri, oo labada magaalo ba isagu markaa iibsaday.

Geesta kale Safiir Baashe Cawil Xaji Cumar waxaa u dhaxday inan uu dhalay Madaxweyne Axmed Silaanyo, Luul Axmed Maxamed, mararka qaar ayaa la arki jiray dad saxaafadda ku duraaya Muwaadin Baashe Cawil oo ku colaadinaaya faamliga guud ee uu la wadaagay Madaxweynaha dalka, balse waxa la odhan karaa waxay taasi gardarro duudsi muwaadin ku tahay xaqa asaasiga ah ee qofkasta ku leeyahay dalkiisa. Dhinaca kale marka la eego khibradiisa wax barasho iyo dhisnaantiisa adduun waxay cadaynaysaa in aanu waxba uga baahnayn dalka Somaliland oo uu yahay muwaadin u soo guntaday wax u qabashada waddankiisa Hooyo. Qoyska uu ka soo jeedo oo magac ku leh siyaasadda wuxu abihii Cawil Xaji Cumar kamid aha sarakiishi baananka Xukuumaddiihi Soomaray dalkii la odhanjiray Soomaaliya, halka uu Cawil Xaji Cumar Somaliland ka noqday Wasiirka Maaliyada Xukuumadi Madaxweyne Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal.

Waxa Bashe u dheer intaas, in uu ku darsaday dhaqan wanaag, karti badan, furfurnaan iyo isagoo ah nin aad u kaftan badan oo jecel wadankiisa hadana leh dabeecad wanaagsan. Si kale haddii loo dhigo waxaa lagu sifayn karaa  (very intellectual).

Si kastaba ha ahaate waxaa la odhan kara wuxuu Madaxweynuhu u magacaabay dalka Imaraadka Carabta oo hadda xidhiidh fiicani ka dhaxeeyo Somaliland Safiirkii ku haboona, marka la eego aqoonta uu wato iyo sahalka luuqadaha uu ku hadlo.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

contact@somalilandtoday.com