“Waa  Inay Xor Iyo Xalaal Inoogu Dhacdaa Doorashadu, Murrashaxiinta Laga Baryi Maayo Inay Aqbalaan Natiijada Sankaa U Daloola” Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland

Hargeysa (Somalilandtoday)-Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay doorashada Madaxtooyadda ee la fiyo inay horaanta bisha Novenber ka dhacdo dalka.

Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo u waramayay Bulsho Tv ayaa sheegay in aan laga baryayn murrashaxiinta xisbiyada inay aqbalaan natiijadda doorashada waxaanu yidhi “aynu nabadgalyo ku galno doorashada yaanay xisbiyo ina hor ordin, codkana cod xalaal ah aynu bixino nin walowba nin aad doonto u codee ayaan leeyahay” ayuu yidhi Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.

Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadalkiisa sii wata ayaa si cad u sheegay in Murrashaxiinta laga baryaynin inay aqbalaan natiijadda doorashada waxaanu yidhi natiijada waa inay aqbalaan miyaynu ka baryaynaa, ka baryi mayno natiijadda inay aqbalaane waa inay xor iyo xalaal ku dhacdaa kana baryi mayno inay aqbalaan sankaa u daloola” ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.

Somaliland ayaa lagu wadaa inay doorashada madaxtooyadu ay ka dhacdo 13-ka bisha November ee sanadkan, iyadoo ay ku tartami doonaan saddex musharax oo kala matali doona xisbiyada KULMIYE, WADDANI iyo UCID, waxaana la filayaa in dhawaan ololihii doorashadu uu ka bilaabmo guud ahaan dalka.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday