“Waa Dacaayad In Diwaangalintii Madaniga Ahayd Fashilantay, Waxaan Maalin Dhaw Soo Saari Dona……”.Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL.

(SLT-Hargaysa) Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cali Maxamed Warancadde oo maanta dalka ku soo laabtay, kadib safar uu debadda ugu maqnaa wuxuu si kulul u beeniyay inay fashilantay diwaangalintii madaniga ahayd. Wuxuuna sheegay inay Magaaladda Hargaysa si habsami ah uga socoto. Dhina kale wuxuu Wasiirku ku goodiyay inuu dhawaan soo saari doono amar ah in aanu Magaaladda Hargaysa gaadhi ku wadan karin qof aan haysan taysarada muwaadinka. Geesta kale wuxuu Wasiir Warancadde faah faahin ka bixiyay u jeeda safarkii uu ku maqnaa iyo arrimaha shidaal qodista dalka. Hadaladii Wasiirka oo faah faahsan hoos ka daawo.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.