Ururka CURAD Oo Xaflada Dhiirigelin Ah U Qabtay Arday Jaamacadaha Ka Qallin-jabiyey

(SLT-Hargeys) – Ururka Dhalinyarada ee Curad, ayaa xaflada dhiiri-gelin ah sameeyay arday sanadka ka qalin jabisay Jaamacadaha dalka, taasoo lagu qabtay Hudheelka Imperial ee Magaalada hargeysa.

Munaasibadan oo uu Ururku sanad kasta u qabto Arayda Jaamacadaha ka baxda qaarkood, ayaa ujeedadeedu xambaarsanayd sidii da’yartan loogu bogaadin lahaa dedaalkii ay u soo mareen dhamaystirka heerka aqoonta ay qaateen, waxaanay ahayd xafladii saddexaad ee Ururku qabto tan iyo markii la aasaasay.

 

download (2)

Ururkan oo ay ku bahoobeen dhalinyaro mutadawiciin ah, ayaa xafladdooda sanadka hal ku dhig uga dhigay Marxuum Cabdiraxmaan Cali Baran-baro oo ka mid ahaa siyaasiyiintii bud dhiga u ahaa kacdoonkii dib u xoraynta Somaliland ee SNM iyo shacbigii Gobollada waqooyi kala soo horjeesteen nidaamkii Dawladdii Milateriga ahayd ee Siyaad Barre.

Xafladan oo ay ka soo qayb-galeen dad isugu jira, siyaasiyiin, aqoonyahano, madaxdhaqameedyo, arday, Haween iyo dhalinyaro, ayaa waxa ka mid ahaa dadkii ka hadlay Suldaan Axmed Daahir Muuse, Siyaasi Caydaruus Maxamuud Yuusuf, Maareeyaha Wakaalada Korantada Dawladda Axmed-yaasiin Sh. Maxamed Jaamac, hogaanka Ururka CYO, guddoomiyaha Ururka HIMILO, culimo awdiin, cuqaal iyo xubno kale, kuwaasoo ardayda Xaflada loo sameeyay hambalyo iyo bogaadin u jeediyay, isla markaana ku booriyay inay dalka iyo dadka uga faa’ideeyaan aqoonta Jaamacaddeed ee ay barteen.

Wax kale oo ay Dawladda ugu baaqeen in Shaqo abuuris loo sameeyo da’yarta tirada badan ee sanad kasta ka qalin jabinaya Jaamacadaha dalka, si looga baajiyo tahriibka iyo dhibaatooyinka kale  ee ay shaqo la’aantu keento.

Guddoomiyaha Ururka Curad Yacquum Cabdilaahi oo xafladaasi hadal ka jeediyay, ayaa sharaxaad ka bixiyay ujeedada ay kulamadan ugu qabtaan Ardayda iyo qorshaha ururkooda ee sanadaha soo socda.

“Ururka Curad wuxuu doonayaa inuu sanadaha soo socda da’yarta ka caawiyo sidii ay fursado shaqo u heli lahaayeen, xataa cidii doonaysa inay Ganacsi sameysato, waxaanu doonaynaa inaanu dhaqaale ku kabno oo ka shaqayno sidii lacag loogu caawin lahaa dhalinyarada inay ganacsi samaystaan ku hamiyaya”ayuu yidhi Yacquub.

Waxa kale oo uu intaas ku daray “ waxaanu dawladda iyo ganacsatada ka codsanaynaa in fursadaha shaqo laga fuudh yeelo dhalinyarada waxbaratay, si looga badbaadiyo dhibaatooyinka shaqo la’aantu keento” ayuu yidhi Guddoomiyaha Curad.

“waxaanu qiimaynay dhalinyarada ka shaqeeya xafiisyada dawladda ee ku jira Ururkan curad oo ay ku bahoobeen dhowr kun oo dhalinyaro ah waxaanay noqdeen 13 qof oo qudha, taasna waxaanu ku dhaliilaynaa dawladda inaanaan ka helin saamigii shaqaalaynta ahaa ee aanu xaqa u lahayn” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Curad, Yoonis Axmed Yoonis, oo isna xaflada ka hadlay ayaa ardayda qalin jabisay ugu baaqay inay ka faa’idaystaan aqoonta iyo cilmiga ay barteen, una dhaqaaqaan sidii ay xoogooda iyo Maskaxdooda u maali lahaayeen.

Waxa kale oo uu madasha ka sheegay Yoonis “sanadkii hore ardaydii aan xaflada u qabanay waxa shaqo ka helay 5 qof oo qudha, waxaanay ahaayeen 50 qof dad gaadhaya, taasoo ah arrin ayaano daro weyn ah.” Ayuu yidhi.

Muj. Caydaruus Maxamuud Yuusuf, oo ka mid ah siyaasiyiinta qurbaha ku nool, oo isna Munaasibada ka hadlay ayaa da’yarta u soo jeediyay inaanay niyad jabin, kuna dedaalaan siday wax u qabsan lahaayeen. “ dawladda wixii ay dhalinyaradani xaqa ugu lahayd waanu ka doonaynaa waanu ka doonaynaa, kana aamusi mayno, haday tahay tii reernimo iyo haday tahay tii dhalinyaranimo, waa taanu u soo halganay, waa tay u dhinteen ragii halganka u soo galay xoraynta waddanku” ayuu yidhi.

Siyaasigan ayaa tilmaamay in shacbiga Somaliland cadaalad ka sugayo nidaamka dalka ka jira, loona baahanyahay inaan dulmi siyaasaddeed lagula kicin dadka “ shalay hadaanu ka aamusnayn oo aan lahayn bal suga oo aanu ka xishoonaynay inaanu ku qaylino maanta ka dayn mayno ee runtaanu u sheegaynaa dawladda iyo dadka ka soo jeeda Deegaankan ee dulmiga lagu eegayo, haday tahay suldaan iyo haday tahay siyaasi dan gaar ah wata, waxaanu sheegaynaa inaanay dadkani ka aamusi Karin waxa socda” ayuu yidhi.

Maareeyaha Hay’adda Korantada dawladda Axmed-yaasiin Sh. Maxamed Jaamac oo isna xaflada ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay Ardayda Waxbarashada Jaamacaddeed dhamaystay, waxaanu balanqaaday inuu kala shaqayn doono sidii ay dawladda fursado shaqo uga gelin lahaayeen iyo inuu ka caawin doono kordhsi dheeraad ah hadii ay baahanyihiin.

“ waxaan idiin balanqaadayaa inaan idinka caawin doono cidii u baahan inay aqoontooda sii kordhiyaan, gaar ahaan qaybta dhaqaalaha iyo Maamulka cidii u baahan, waxaanan idiin sheegayaa muhiimadu maaha inaad xafiisyo ka wada shaqaysaan ee waxaan loo baahanyahay inaad hal-abuurnimo la timaadaan.” Ayuu yidhi Maareeyuhu.

Waxa kale oo munaasibadan ka hadlay suldaan Axmed Muuse, Prof Mustafe Ibraahim Waqooyi, Cuqaal, xubno ku hadlayey Afka dhalinyarada qalin jabisay, Ganacsato uu ka mid yahay Xasan Cirro-weyne , Tafaftiraha Gobanimonews Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale), haween iyo ashkhaas kale oo tiro badan, kuwaasoo ardayda u jeediyay hambalyo balaadhan iyo bogaadin, kuna dhiiri geliyay inay waddankooda aaminaan, kana shaqeeyaan horumarinta dalka iyo dadka.

Waxaana qaybtii hore ee Xaflada si aad loogaga hadlay Taariikh nololeedkii Alle ha naxariistee Marxuumka Xaflada loogu magac daray Col. Cabdiraxmaan Cali Baran-baro, iyadoo qaybihii dhexe ee munaasibadana lagu soo bandhigay Masrixiyad ka turjumaysa shaqo la’aanta dhalinyarada iyo dhaxal xumada Tahriibka.

Ugu dambeyna waxa uu Ururka Curad shahaado sharafyo guddoonsiiyay xubno ka mid ah dadka sida weyn ula shaqeeya oo isugu jiray Masuuliyiin dawladda ka tirsan, Madaxdhaqameedyo iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Ururkan Yacquub Cabdilaahi.

Wariye toogasho lagu dhaawacay Muqdisho

Muqdisho()-Dabley hubaysan ayaa rasaas huwiyay Gaari uu watay Wariye ka howl-gala Magaalada Muqdisho, waxana soo gaaray dhaawac.

Cabdirisaaq Jaamac Cilmi (Black) oo ka howl-gala Telefishanka Somalichanel, ayaa la weeraray isagoo howl-maalmeedkiisa shaqo ku guda jira.

Waxa kale oo rasaasta lagu furay ku dhaawacmay Nin la socday oo aan wali magaciisa la aqoonsan, balse la sheegay inuu Macalin yahay.

Labada ruux ayaa waxa loola cararay markiiba Cisbitaanka Madina ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee dawladda oo ku saabsan falkan, waxaana dad goob-joogeyaal ahi ku warameen inay markiiba goobta ka yaaceen dablaydii toogashada sameysay.

Wararkii u dambeeyay ee laga helay Cisbitaalka ayaa sheegaya inay xaaladdoodu ka soo raynayso oo qaliin lagu sameeyay.

Weerarada lagu qaado Suxufiyiinta ayaa saddexdii sanno ee u dambeeyay soo kordhayay Somalia, balse bilihii u dambeeyay waa wariyihii ugu horeeyay ee weerar lagu qaado duhur cad badhtamaha Magaalada isagoo maraya.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday