UK : Arday Soo Saartay Qorshe Cusub Oo Lagu Yareynayo Kaadida Si Biyaha Loo Dhaqaaleeyo.

(SLT-Norwich)-Laba arday oo ka tirsan jaamada the University of East Anglia (UAE) ee ku taala magaalada Norwhich ayaa bogaga bulshadu kuwada xidhiidho ku shaaciyay talo soo jeedin ku aadan in ardayda jaamada iyo dadka kale ee ku nool dalka Ingiriisku ay yareeyaan biyaha ay u adeegsadaan in ay kaadida isaga maydhaan, si loo dhaqaaleeyo biyaha oo looga faaiideysto kharashaadka faraha badan ee ku baxa biyaha sanadkasta.

images

Mr Dobson oo da’diisu tahay 20 jir, waa mid ka mid ah ardayda ikhtiraacday fikradan cusub , waxa uu sheegay in hadii dadku ay halkii ay laba goor marna ay adeegsanayeen halka lugu istajoodo oo ay biyo badan ku falaash gareynayeen , hadana marka labaad ay galayeen shaawarka si ay ugu maydhaan ; ay taasi kagaga fududahay in ay halmar adeegsadaan shaawarka oo ay ku gutaan xaajadooda hadii ay tahay kaadi oo islamar ahaantaana ay halkaa ku maydhaan.

Dobson oo isagu ka mid ah ardayda wada ololahan ayaa sheegay in ololohoodan ay ku doonayaan in ay ku bedelaan caadada dadka ee xiliga hore ee aroorta, waxa uu intaasi raaciyay in ay jiraan dad neceb iyo kuwo taageersan ololohooda isaga oo balanqaaday in dadka ugu horeeya ee taageera ololahan ay gudoonsiin doonaan abaal marino.

Mr Dobson iyo Ms Torr oo iyagu horkacaya ololahan ayaa sheegay in ay sameeyeen diraasad taas oo ay ku ogaadeen in qofku marka uu furo biyaha falaashka ay qofkasta sanadkii ku baxdo shakhsi ahaan lacag kor u dhaafeysa 7 Yuuro sanadkiiba taas oo sida ay sheegeen la yareyn karo hadii dadku ay adeegsadaan shaawarka.

Iyaga oo la hadlaya Barnaamijka Outside Source ee BBC-da waxay u sheegeen in ay la xidhiidheen professor ka mid ah jaamada UAE kaas oo sida ay sheegeen ay kala hadleen arintan, waxaana ay sheegeen in inta dadku ay shaawarka biyo raacinayaan ama ay ku maydhanayaan ay yaraaneyso khatarta nadaafad daro halkaasi ka timaada maadaama sida ay sheegeen shaawarka ay biyo badan qulqulaan xiliga dadku ay maydhanayaan.

Ololahan ayaa waxaa taageertay jaamada UAE oo gabadh afhayeen ah oo u hadashay ay sheegtay in jaamacadu ay dhiirigelineyso talaabadan ugubka ah ee ardayda jaamacadu ay ku dhaqaaqeen, taas oo ay sheegtay in hadii dadku ay taageeraan ay isbedel ku keeni karto dhaqaalaha biyaha ee dalka Ingiriiska.

Ardaydan oo jaamacada UAE ee magaalada Norwhich ka dhigta maadada xisaabta ayaa sheegay in lacag kor u dhaafeysa boqolaal milyan la dhigi karo hadii dadku ay taageeraan talaabadan cusub oo ujeedadeedu tahay in la dhaqaaleeyo biyaha.

Maxamed Aadan

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com