Ujeeddada Wefti Maamulka Puntland Ka Socda Oo Buuhoodle Gaadhay, Ciidamada Galbinayey Iyo Faro-gelinta Lagu Sameeyay Ciidda Somaliland

(SLT-Buuhoodle) – Maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegay inay waddo laami ah ka dhisayaan magaaladda Buuhoodle, kaddib markii wafdi uu hoggaaminayo wasiir ku xigeenka howlaha guud ee Puntland uu halkaas gaadhay Jimcihii shalay.

C/raxmaan Yuusuf Faarax oo ah wasiir ku xigeenka gaadhey Buuhoodle ayaa wax-garadka Buuhoodle u sheegay inay dhisayaan jid 3-km gaadhaya kaasoo kharashka ku baxaya uu bixin doono maamulka Puntland “Waxaanu nahay wefti idinkaga yimid Maamulka Puntland, waxaanu halkan u nimid inaanu qiimeyno dhismaha jid laami ah oo ka kooban 3KM, taasi oo kharashka ku baxaya ay bixinayso Puntland, tanna waxay qayb ka tahay waxqabadka xukuumadda Puntland ee deegaankan” yidhi, wasiir ku xigeenka hawlaha guud ee Maamulka Puntland, waxaanu intaasi ku daray “Annagu waxaanu nimid dhulkayagii, laakiin waxaanaan halmaameyn sida la noo soo dhaweeyay, waxaanuna sameynaynaa kormeer xaqiiqo raadin ah”

Duqa degmada Buuhoodle, Cumar Mahdi Xaaji Dayib ayaa isna wuxuu ka sheegay goobta inay soo dhaweynayaan howsha maamulka Puntland uu ku dhisayo waddada, wuxuuse sheegay in dhowr jeer ay yimaadeen wafdiyo kala duwan oo ka socda Puntland, kuwaasoo ballanqaadyo sameeyay, balse aan fulin.

Madaxa hay’adda waddooyinka Puntland, Maxamuud Cabdi Nnuur, oo ka hadlay isaguna kulanka ayaa ku dheeraaday waxqabadka hay’addiisa iyo deegaannada ay wax ka qabatay, wuxuuna xusay in badkooda howlaha ay qabtaan ay qayb ka geystaan dadka deegaanka, isagoo kusoo gunaanaday hadalkiisa in waddadan lacagta ku baxaysa ay iyagu bixin doonaan.

images

 

Weftigan ayaa waxa xubno ka ahaa Agaasimayaal, Saraakiil ciidan oo ka tirsan Maamulka Puntland iyo weliba Madax ka mid ah Madaxtooyada Puntland.

Weftigan ayaa watay ciidamo faro badan oo ammaankooda sugayey, kuwaasi oo heegan ku jiray intii weftigu ku sugnaa halkaasi.

Tallaabada Maamulka Puntland ku doonayo inuu halkaasi kaga dhiso jidka Laamida ah iyo imaanshahooda ayaa ah faro-gelin qaawan oo Puntland ku samaynayso dhulka Somaliland.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday