Guddoomiye Cabdriraxmaan Cirro Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diraya Shacabka Reer Somaliland Munaasibada Sanadka Cusub Ee Islaamka 1436(Hijriyada) Awgeed.

(SLT-Hargaysa)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),waxaa uu hambalyo iyo bogaadin ah uu u dirayaa dhamaanba umadda Islaamka ah,gaar ahaana shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan munaasibada sanadka cusub ee Islaamka 1436(Hijriyada) awgeed oo ku began maanta oo ay taariikhda miilaadiga ahi tahay 25.10.2014.

 

download

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaa kale oo uu si gaar ah uu hambalyadaas oo kale uu ugu diraa dhamaanba taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI meel kasta oo ay dunida dacaladeeda ka joogaan.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi,waxaa uu sida oo kale Illaahay uga baryayaa dhamaanba umadda Islaamka ah iyo shacbiga reer Somaliland in ay sanadka sanadkiisa ay bash bash iyo barwaaqo ay ku gaadhaan,Inta Xanuusanaysa  uu caafimaad dag deg ah uu siiyo,inta Caafimaad qabtana uu u siyaasdiyo,inta dhimatayna uu Naxariistii Janatul Fardawsa uu ka waraabiyo.

Ugu danbayntiin Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),waxaa uu ugu baaqayaa dhamaanba shacbiga reer Somaliland in ay meel uga soo wada jeestaan Illaalinta iyo Adkaynta Nabadgalyada Jamhuuriyada Somaliland ay ku naaloonayso.Il dheeraad ahna ay u yeeshaan cidii hagar daamaynaysa Qaranka Jamhuuriyada Somaliland,si aynu uga midho dhalino oo aynu u gaadhno himilada uynu leenahay.

Sanad Wacan Oo Wanaagsan

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah ee WADDANI

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)