Ubadkeena Iyo Farsamada Casriga Ah Khatarteeda!

maqaalMarka ugu horeysa waa in aynu fahanaa sideedaba maxaa aan ula jeednaa farsamada casriga oo Afafka qalaad qaar ka mida lagu yidhaah New technology.Waana farasmo sare oo cilmiyadan koobsatey :

 

 

a)     Farasamada waxbarashada(educational technology)

b)     Farasamada macluumaadka( information technology)

c)     Nanotechnology

d)     Biotechnology

e)     Cognitive science(sayniska garashada)

f)       Robotics

g)     Iyo garaadka macmalka ah (artificial intelligence)

Farsamada casriga ahi waxay ku socotaa xaawli aad u sareeya somaliduna waxay ku maah maahdaa nimco waliba nusqaan leh.

Waxaa muhiim ah in waalidku ogaadaan caga jugleynta internetka(cyberbullying) ee ay la kulmi karaan ubadkoodu.

Waa maxay caga jugleynta internetku?

Ama crberbullying jawaabtu waa nooc kasta oo dhibateyn ah,cay ah,hanjabaad ah kuwaas

oo loo adegsado qoraalo ama sawiro lays kugu gudbiyo barta bulshada ee internetka(Social media) Waxaa jira tiroyin aad u badan oo applacations iyo websites diyaar ah oo sugaya uun in aad taabsiiso Jiirka (mouse),(click of a button) kaas oo sharaf ridid fariimo ahi si degdega ugu fidaan kumanaan ama tiro aad u badan oo dad ah

Caruurtu waxay sawiro ama muuqaalo video ka qaadaan,ka diyaariya(edit) facooda markaas ayey u diraan saaxiibadood ama dadka kale ee isticmaala baraha bulshada internetka ,kuwaas oo iyaguna xukuma muqaaladii oo ku faafiya baraha,dhibaataynta caruurta ee casrigan waxay ka gudubtay xadkii hore loo yaqaaney ee caruurtu isku dili jirtey(the playground

bullying) gobaha ay ku ciyaaraan ,qolka labiska (the locker room).ku dhibida internetku(cyberbullying) wakhtiyadan dambe waxaa ay goosatey xadhkaha dugsiyada dhexe iyo sare cimilada isku xoog sheegadka(bullying).

tusaale ahaan wadanka boqortooyada midowdey (UK) caruur aad u da yar oo u dhexeeya 11 ilaa 15 ayaa is dilay oo naftooda ha ligay ka dib markii xadgubyo fariimo ah looga soo diray website yo waxaa ka mid ahayd inanta Hannah Smith, 14, from Lutterworth, Leicestershire, oo laga helay gurigooda iyada oo isa soo deldelshey maalin jimce ah ka dib markey heshay fariimo looga soo direy barta bulshada (the social-networking website Ask.fm.kuwaas oo lagu yidhi Bleach cab,kud ku haleel,dhimo.Bullying ku waa dembi khatar ah oo sharciyan aan banaaneyn balse dad badani ama caruur badani sidaa ma oga oo waxay u arkaan wax qosolqosol iyo ciyaar ciyaara.Caruuro badan ayaa u dhintay,qaar waxay isku dayeen iney is dilaan,qaarkale way ku fikireen,kuwo dugsiyadii ayey iney tagaan iska daayeen cabsi darted. Badhitaano la sameeyey waxaa lagu ogaadey in ugu dhawaan 43% caruur ahi lagu dhibaateyey(bullied) online ka.in 4 caruuraba 1 ka mid ah la dhibay(bullied) in ka badan hal mar.2.7% ardaydu waxay warbixin ku sheegeen in marar kala duwan la kul meen dhibida(bullying) online ka. In ka badan 80% ayaa kureyda(teens) si joogto ah u isticmaala smart phone ka, waa mid inta ugu badan loo isticmaalo isku dhibida internetka ama waxaa loo yaqaan cyber bullying.Barbaar(teens) lagu qiyaasay 4.68% ayaa ogolaadey in isku dhibaataynta internetku(cyber bullying) uu yahay dhibaato halis ah.Dhalinyaro lagu qiyaasay 5.81% ayaa qaba in online ka uu yahay jid sahal ah oo aad qofka ku dhibi karto(bullying).

Waad Mahadsantiin dhamaan

Lasoco Q.2aad

M J Farah

Political analyst and writer