Tv-ga Qaranka Somaliland Oo Si Live Ah U Baahinaaya Xaflada Qaadhaan Uruurinta Wadada Ceerigaabo Oo London Ka Socota.

(SLT-London) Telefeeshinka caalamiga ah ee Qaranka Somaliland ayaa si toosa u baahinaaya Xaflada qaadhan uruurinta dhismaha waddada Ceerigaabo, xafladan oo ka socota Bariga Magaaladda London, waxaa ka soo qayb galay guddida dibudhiska wadada Ceerigaabo oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland, Xirisi Cali Xaji Xasan ayna xubno ka yihiin, Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaji Cali Cadami, Wasiisu dawlaha Maaliyadda Cismaan Saxariid Cadaani, Xildhiban Cali Gabilay iyo xubno kale.

 

Xafladan ayaa lagaga dhawaaqay qaadhan xoogan oo ay ku yabooheen dadweynaha rer Somaliland ee ku dhaqan Waddanka Boqortooyadda Ingiriiska. Waxaana munaasibadaas khudbado  ka jeediyay xubnaha waftiga guddida dibudhiska wadada Ceerigaabo iyo Burco u dhaxaysa. Kuwaas oo  warbixino ku saabsan dhismaha wadada  u sharxay qurbajooga. Telefeeshinka Qaranka Somaliland ayaa muddooyinkii u danbeeyay si toosa u  soo tabinaayay munaasibadaha Qaranka Somaliland leeyahay, waxaana isbadal weyn ka sameeyay maamulka Tv-ga Qaranka.

Somalilandtoday/Haa/Office.

contact@somalilandtoday.com