Tuugi Ugu Yara Ee Xadijiray Macluumaadka Sirta Ah Oo La Qabtay.

(SLT-China)-Inta badan caruurta 13 jirada ah ayaa isku daya in ay sameeystaan mar marsiiyo kala duwan marka ay macalimiintoodu weydiiyaan sababta ay u soo gudbin waayaan laylisyada loo diro, laakiin maxay qaar isugu dayi waayeen in ay u dhacaan macluumaadka sirta ah ee kumbiyuutarada si ay si toos ah ugu helaan jawaabaha laga sugayo?.

Sidoo kale suuragal ma tahay in ilmo yar oo caruur ah oo doonaya in uu iibsado Xbox game cusub in uu u dhaco macluumaadka bakhaarka iibiya qalabka uu doonayo, dabadeed uu khal khal geliyo macluumaadka kombiyaatarka si uu isaga jabiyo sicirka oo uu ka dhigo qiimo jaban oo aan la fahmi Karin si uu hadhow ugu iibsado.

 unnamed

Wang Zhengyang, oo ahaa arday aad u yar oo Chinese ah ayaa noqday qofka ugu yar ee la helay isaga oo xadaya macluumaad sir ah oo uu lahaa iskuulkiisu iyo kuwo kaleba.

Wiilkan yar ayaa sumcad weyn ku helay xatooyadan macluumaadka kala duwan ee uu ku kacay waxaana isaga oo aad u da’yar uu shaqo ka helay jaamacada Tsinghua ee ku taala Beijing , waxaana uu noqday mid ka mid ah dadka sida weyn loo hadal hayo ee ku nool dalka China, laakiin warbaahinta dalka China ayaa wiilkan ku eedeysay in awoodiisa uu u leeyahay in uu xado macluumaadka sirta ah uu ku geystay waxyaabo ay ku tilmaameen in ay yihiin dhaqan xumo.

Zhengyang waxa uu khudbad ka soo jeediyay shir lagaga hadlayay Internetka oo ka dhacay Beijing sanadkan, oo la magac baxay Chinese Internet security conference, iyada oo weli ay hortaagantahay sumcad xumada ay ku reebtay sida khaldan ee uu u adeegsaday aqoontiisa dhinaca teknoolojiyada , laakiin iminka waxa uu sheegay in markan awoodiisa dhinaca teknoolojiyada uu u adeegsan doono sida wanaagsan.

“Marka hore waa inaad weerarta Websaaytyada si aad u ogaatid awood daradooda” ayuu yidhi, waxaana uu sheegay in uu weeraray websaaytka iskuulkiisa oo keliya aan u gaar ahayn fasalkiisa , laakiin xitaa uu xaday macluumaadka waxbarasho ee loo diyaariyay ardayda ka heerka sareysa dhinaca aqoonta.

Waxa uu sidoo kale bilaabay in uu u dhaco macluumaadka electronika ee bakhaarada alaabta iibiya kuwaas oo uu dhimay qiimaha wax lagaga iibsado laga soo bilaabo 2,500 oo yuan ilaa 1 yuan, waxaa warbaahinta qaar ay sheegtay in uu ogeysiiyay bakhaarka in uu galay macluumaadkooda gudaha oo laakiin aanuu waxba ka iibsanin.

“waxaan u maleynayaa in dhamaan kuwa xada macluumaadka maalinkasta si ay wax uga faaiidaan ay yihiin kuwo dhaqan xun ” Sidaa waxaa yidhi Zhengyang oo ah wiilkan yar ee u dhacay macluumaadka iskuulkiisa xili uu ka hadlayay shir lagaga hadlayay nabadgelyada Internetka oo ka dhacay dalka China.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday