Turkiga Oo Ay Saameyn Weyn Ku Yeelatay Duqaynta Ay Daacish Ku Hayso Magaalada Kobaani Ee Go’doonka ah.

(SLT-Kobaani) – Diyaaradaha dagaalka ee Xulafada uu Maraykanku horkacayo ayaa duqaymo ka geystay qaybo ka mid ah magaalada go’doonsan ee Kobani halkaas oo maalinimadii Sabtida dagaalyahanada kooxda Daacish ay kor u qaadeen madaafiicda
ay la dhacayaan gudaha magaalada.

Duqaymahan dhinaca cirka ah ee ciidanka Maraykanku ay geysteen ayaa lagu beegsaday 6 goobood oo dagaalyahanada kooxda Daacish ay ka fadhiyeen duleedka iyo gudaha magaalda Kobaani, magaaladan ayaa maalinimadii Sabtida waxaa saameyn weyn ku yeeshay weeraro madaafiic ah oo si isdaba joog ah loogu qaaday badhtamaha magalaada iyada oo madaafiicda qaar ay u gudbeen deegaano ku yaala gudaha dalka Turkiga. Smoke and flames rise over Syrian town of Kobani after an airstrike, as seen from the Mursitpinar border crossing on the Turkish-Syrian borderWeli waxaa sii socda gantaalaha ay dagaalyahanada kooxda Daacish ay la dhacayaan goobaha ay fadhiyaan dagaalyahanada Kurdiyiinta ah iyo sidoo kale qaybo farabadan oo ka mid ah magaalada mudada dheer go’doonka ku jirtay ee Kobaani. Kooxda Daacish ayaa mudo ka badan bil dagaal ugu jiray sidii ay kooxaha kurdiyiinta ah uga farabixin lahayd gacan ku haynta magaalada Kobani, weli dagaalyahanada Kooxda Daacish waxa ay gacanta ku hayaan dhul badkiisu kor u dhaafayo 60 Mile oo ku teedsan xuduudda Turkiga iyada oo duqaymaha diyaaradaha Maraykanka ay dib u yara dhigeen horumarada milatari ee kooxdu ay ka sameyneyso dagaalka ay kula jirto Kurdiyiinta. Dawlada Turkiga ayaa iyadu weli aan go’aan dhab ah ka qaadan ka qayb qaadashada dagaalka lagula jiro kooxda Daacish, iyada oo aaminsan in duqayma cirka ah ee la doonayo lagu wiiqo awooda milatari ee kooxdan ay suuragal tahay in ay dhiiri geliyaan xukuumada Assad ee Suuriya. Turkigu waxa uu sidoo kale walwal badan ka muujiyay in hadii kooxaha Kurdiyiinta ah ay awoodoodu sii balaadhato ay suuragal tahay in ay sii xogeystaan jabhadaha gooni u goosadka ah ee dagaalka kula jira dawlada Turkiga.

Somalilandtoday\Hargeisa Office

Contact@Somalilandtoday.com