Togdheer: Wasiirka Hawlaha Guud iyo Maayir Muraad Oo Baloodhaystay Bakhaarradii Insida ee Burco

Burco (Somalilandtoday)-Dadwaynaha iyo xildhibaanada golaha deegaanka ee Burco ayaa muddooyinkii u dambeeyey soo saarayay qaylo dhaan iska soo daba dhacaysa, taasoo ku saabsan iibsiga iyo xaraashka dhulka danta guud gaar ahaan wakhtigan lagu jiro kala guurka, waxaana arrimahani inta badan ku arooraan wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan iyo Maayirka Burco, Maxamed Muraad.

Wararka ka imanaya magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in wakhtigana ay wasiirka hawlaha  guud iyo maayirka Burco ay calaamadsadeen dhulkii isnida Burco oo ka koobnaa afar bakhaarrada oo waaweyn, waxaana ay wararku sheegayaan in wasiirka Cali Mareexaan iyo Maayir Muraad ay samaysteen waraaqo sharciyeysan isla markaana leh saxeex madaxwayne kuwaasoo u jidaynaya lahaanshaha dhulkan danta guud ah.

Dadwaynaha reer Togdheer ayaa dhegta u taagaya tallaabada uu madaxwaynaha la doortay ka qaadi doono dhulkii Burco ee sida waallida ah loogu tagri-falayo, waxaana isa soo taraya guud ahaan masuuliyiinta ku fekeraya inay ka faa’iidaystaan wakhtigan kala guurka ah.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office