TANZANIA: Askar Shaqada Looga Caydhiyey Inay Is-dhunkadeen

(SLT-Kagera) – Laba Askari oo u dhashay waddanka Tanzania, kana tirsanaa Ciidanka Ammaanka ee dalkaas, ayaa shaqada laga eryey ka dib markii ay Ninkan iyo Gabadhan Askarta ahaa meel bannaan isku dhunkadeen.

Sawirrada laga qaaday labadan askari ayaa lagu soo daabacay baraha bulshadu ku wada xidhiidho ka dibna waxaa laga muujiyay cadho xoog leh.

Askartan is-dhunkatay ayaa lagu eedeyeey anshax-darro iyo inay Bulshada horteeda wax qalad ah ku sameeyeen.

Labadan Askari, ayaa waxay ka shaqaynayeen magaalada Kagera ee Galbedka dalka Tanzania, waxaanay is-dhunakadeen iyagoo xidhan Lebbiska ama Dirayska Ciidanka Booliska ee ay ka tirsanaayeen, taasoo loo arkay inay ahayd arrin anshax-xumo ah.

Sawirkan waxaa Shabakadaha Internetka soo geliyay Askari kale oo ah Ninka Sawirka ka qaaday Ninkan iyo Gabadhan Askarta ka tirsanaa oo si badheedh ah isu dhunkanaya, Askarigaa Sawirka qaaday ee baahiyey, ayaa isna sidoo kale shaqada laga caydhiyey.

Askarta

Bulshada Sawirka aragtay ayaa siyaabo kala duwan u dhiibtay afkaartooda. Qaar ka mid ah dadka Tanzania ayaa sheegay in ayna munaasab ahayn in askari shaqada looga eryo dhunkasho awgeed.