Talo:-Shaqodoon ma tahay, shaqaale ma tahay , loo shaqeeyana ma tahay Q3aad :-W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

Qaybtii u dambaysay  loo shaqeeye ma tahay?

Hore waxa aynu uga soo hadalnay shaqaalaha iyo shaqo doonka maanta se waxa aan ku xigsiin mawduuca sadexaad ee ah ka ugu dambeeya ee ah LOO SHAQEEYAHA.

Loo shaqeeye waa shirkad, qof ama haayad , urur  ama kaas oo qoranaya dad ama qof u hir galiya ama u qabta hawl shaqo , shaqadaasi  ha noqoto mid gacanta lagu qabanayo ama mid adeeg la fulinayo.

Loo shaqeeyuhu waa cidkasta oo haw shaqo loo qabanayo ama loo fulinayo  kuwaas oo raacaya hanaanka shaqada ee la dajiyay.

Horumarka shaqadu waxay ku xidhan tahay qaabka  uu loo shaqeeyuhu ula dhaqmo, u ilaaliyo una daryeelo shaqaalihiisa sidoo kale waxay shaqada iyo horumarkeedu ku xidhan yihiin mushahar siinta shaqaalaha iyo heerka uu gaadhsiisan yahay, Shaqaale kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo mushahar  u qalma shaqada uu qabto, sidoo kale shaqaale kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo Xaq, fasax,saacado  shaqo oo cayiman waafaqasana xeerarka shaqaalaha ee caalamiga ah,  se waddankeena waxa baddan shaqo, la,aanta taasina waxay sababtay isla xisaabtan la,aan se haddan waxa aynu maalin arki doonaa iyada oo nidaamkaasi shaqeeyo  sida aynu ognahay  Haddii loo shaqeeyuhu noqdo mid ka war haya xaaladaha kala duwan ee la soo darsa shaqaalihiisa kana caawiyo wuxuu helayaa kalsooni shaqaale iyo in shaqaaluhu u shaqeeyaan sida la rabo noqdaana kuwo wax soosaar leh.

Shaqadu waa hawl iyo dhamaystir waxqabad la rabo in horumar laga gaadho.

Waddankeena dayac baddan baa ka jira haddii ay tahay shaqaalaha iyo haddii ay tahay loo shaqeeyaha ,

Waxaad arkaysaa shaqaale baddan oo shaqadii dayacaya , waxaad kaloo arkaysaa loo shaqeeye baddan oo shaqaalihii sidii uu doono ka yeelaya.

Waddanku ma laha xeer shaqo iyo shaqaale haddii uu leeyahayna ma aha mid shaqeeya, waddanku ma laha ururo u ololeeya shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha mana jiro,  xeer saxa oo shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha hagaya marka laga reebo xeerar hoosaadka ay samaystaan shirkadaha, ganacsiyada iyo shaqsiyaadkuba.

Shaqaaluhu  waxay inta baddan ku kacaan dayac baddan oo aan lagala xisaabtamin, ama aan la ogaynba maxaa yeelay waxa ka dhiman dhaqanka iyo qaabka shaqada, qofkasta oo maanta waddanka jooga  markuu qaangaadhey ka dib wuxuu bartay xirfad shaqo, oo aan lahayn dhaqan iyo lexejeclo toona “work ethics”

Tusaale waxaa waddanka la dhisaa dhismayaal fara baddan midkastaaba waxa ku baxa lacag baddan lacagta ku baxda 40% waxa qaata shaqaalaha, 60% waxa ay noqotaa alaabta galaysa Material marka la dhameeyo dhismaha la dhisayo 20% waxa la arkaa dayac ay sameeyeen shaqaalihii ka shaqaynayay maxaa yeelay  tusaale ahaan Marmarka marka la keeno  waxay u isicmaalaan si sahlan xabadii jabtana waa ay tuuraan, sidoo kale sibidhka waa la diyaariyaa laguma diyaariyo inta ay shaqadu u baahan tahay, waxaa bata inta la diyaariyay isla goobtana waa looga rawaxaa , subaxana mid cusub ayaa la samaystaa.

 Biyaha hadalkooda daa, ciida sidoo kale, qalabka laydhka qaarkood waaba la qaataa intaasi in ka baddanba waxay dhacdaa marka shaqo dhismo la waddo.

Taasna waxa sababtay xeer iyo dhaqan ka shaqada oo aan dadkeena la barin.

Waxaas oo dhan waxa sababay waxa kaw ka ah Loo shaqeeyaha oo aan shaqadan loo qabtay aan ku qanacsanayn ama ma jiro tababar shaqo oo la siiyay bilaw oo dhamee unbuu ahaa hadalkii u dambeeyay ee loo sheegaa.

Waxa jira loo shaqeeye baddan oo xaqii iyo xuquuqdii shaqaalaha ku xad gudbay iska mid ay siiyaan oo ay shaqaysteena taana waxa u sii dheer eris joogtaa, iyo cabadhin shaqaale, waxa jira shaqaale baddan oo lagula kaco xad gudubyo ka dhan ah shaqada waxaana kula kaca cida loo shaqayanayo xad gudubyadaas waxa ka mida in aan xaq iyo xuquuqba aan la  siin shaqaalaha, wakhti baddan oo ay shaqeeyaa, mushahar yar, eris joogto ah, midab kala sooc, nin jeclaysi, iyo dhibaatooyin baddan oo kale, waa ay jiraan shirkado, ganacsiyo, iyo shaqsiyaad daryeel iyo xaq, xuquuq, mushahar ku filanba siiya shaqaalihiisa se kuwaasi waa ay yaryihiin waana kuwa nolosha iyo ganacsigaba ku guuleysta.

Waxaad ogaataa  loo shaqeeyaw Qaabka aad shaqaalahaaga u ilaalisid, una daryeeshid ayaa waxay ku siinayaan farxad nololeed iyo guul shaqo.

Loo shaqeeyaha waxa laga rabaa

        I.            Waa inuu loo shaqeeyuhu  daryeelo shaqaalihiisa

      II.            Waa inuu loo shaqeeyuhu  shaqaalaha Xaaladooda la socdo

    III.            Waa inuu loo shaqeeyuhu  Abaal marin uu siiyo shaqaalahihiisa kala duwan

    IV.            Waa inuu loo shaqeeyuhu  kula hadlo Hadal wanaagsan iyo dhiiri galin joogtaa.

      V.            Waa inuu loo shaqeeyuhu  Tilmaan iyo talo siin inuu siiyo shaqaalaha

    VI.            Waa inuu Loo shaqeeyuhu  dhagaysataa shaqaalihiisa  kala duwan

  VII.            Waa inuu loo shaqeeyuhu kalsooni iyo aaminaad siiyaa shaqaalihiisa

VIII.            Waa inuu loo shaqeeyuhu   xaq iyo xuquuq siiyaa shaqaalihiisa kala duwan.

    IX.            Waa inuu loo shaqeeyuhu  shaqada ku ixtiraamaa oo aanu u dhaafin.

      X.            Waa inuu loo shaqeeyuhu  shahaado sharaf ku maamuusaa kolba cida  u qalanta

    XI.            Waa inuu loo shaqeeyuhu  Balanta uu la galo shaqaalaha  oofiyaa

  XII.            Waa inuu dalacsiiyaa shaqaalihiisa isagoo u eegaya aqoonta iyo horumarka shaqada iyo siday u kala horeeyeen.

XIII.            Waa inuu loo shaqeeyuhu  siiyaa Mushahar u qalma shaqada uu hayo oo la mida ta lagu bixiyo suuqa kale.

XIV.            Waa inuu loo shaqeeyuhu  Meelo gaara  ka caawiyaa shaqaalaha  haddii xaaladi timaado

  XV.            Waa inuu loo shaqeeyuhu   xaq iyo xuquuqba u balanqaadaa shaqaalaha

XVI.            Waa inuu loo shaqeeyuhu la wadaaga faa,ido iyo khasaaraba shaqaalaha haddii la faa,idana  abaal marin la siiyo shaqaalaha.

XVII.            Waa inuu loo shaqeeyuhu shaqaalaha la farxaa waraystaa, dhagaystaa, kana farxiyaa wakhtiyada qaar.

XVIII.            Haddii qodobadaas loo shaqeeyuhu fuliyo wuxuu helayaa kalsoonida shaqaalihiisa se inta qodobadaasi halkaa taagan yihiin waxa suuro gal in aanay sidaad doonaysid waxwalba u dhicin.

Loo shaqeeyaha maxaa looga baahan yahay

        i.            Inuu doorto shaqaale anshax leh

      ii.            Inuu doorto shaqaale aqoon iyo xirfad leh

    iii.            Inuu doorto shaqaale daacad ah

     iv.            Inuu doorto shaqaale aan balwad lahayn

       v.            Inuu doorto shaqaale sharciga u hogaansan

     vi.            Inuu doorto shaqaale diin, dhaqan, iyo ixtiraamba leh.

   vii.            Inuu doorto shaqaale danta iyo lexejecladu ku baddan tahay.

DHAMAAD

Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

Mobile: 063-4400319

Email: farxaanmxd@gmail.com

Post number Rp 205 article

Social activists’

Adeege u adeega dadka iyo dalkaba.

Khabiir ku ah shaqada iyo shaqaalaha

Berbera