Taliye Fadal Waa Nin Habeen Iyo Maalinba U Taagan Shaqada Qaran

Aniga oo tix-raacaya qoraal ku soo baxay shabakada Somailandlive.com, ciwaana looga dhigay (Taliye Fadal oo cabsi daradeed ka Qaxay Degmadda Axmed Dhagax), uuna qoray qof magaciisa ku soo koobay Gahayr ka dib markii aan si mug leh aan u darsay waxaa ii cadaatay inaad tahay nin wada Personal Attack, oo waxaad socotay ilaa iyo gurigii uu deganaa Taliyuhu oo aad ku sheegtay inuu uga guuray ciyaal taas oo ah been aan sal iyo raad toona lahayn, sharci yaqaanaduna waxay ku tilmaamaan qoraalkaaga noocaas oo kale ah (Null and Void), waxaanad gashay Dembi sida uu qabo qodobka 451 xubintiisa ‘X’ ee xeerka Ciqaabta Guud, sababta oo ah waxaad samaysay Aflagaado.

Waxaad sheegtay inuu Taliyuhu uu ciyaal uga guuray gurigiisa, Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan aan ku xasuusiyee wuxuu gutay waajibkii loo igmaday, sababta oo ah wuxuu baabiiyey dhallinyaro isku urruursaday inay nabad-gelyada guud ee dalka khal-khal ku ridaan, taasi oo ahayd waajibkiisa koowaad oo ah inuu ilaaliyo nafta iyo maalka dadka, waanu ku amaanan yahay bulshada Somaliland-na way ogtahay waajibkaa balaadhan ee Taliyuhu gutay, waxaan ku xasuusinayaa in shaqada ugu weyn ee xeerka ciqaabta guud uu yahay xaqiijinta nabad ku wada noolaanshaha mujtamaha bulshadda, waxaanay ku tilmaamayaan inuu yahay mabda’ sugaya in dadku nabad ku wada noolaadaan, Somaliland-na waxay ku faantaa inay nabad-galyo taama haysato, ciyaalka aad sheegaysaa waa kuwo doonayaa inay nabada Somaliland bur-buriyaan, waxaanan u malaynayaa inaad kuwaas ka mid tahay, tan ciyaalkana waxaan ku xasuusinayaa inay galeen fal dambiyeed ku xusan qodobada 321, 322 Xeerka Ciqaabta Guud, kuwaas oo markii lagu cadeeyay inay galeen dembigaas abaabulan oo abuurayay khal-khal nabadgalyo darro ay maxkamadu u gudbisay xabsiyada dalka.

Waxaa kale oo ku xasuusinayaa in Ciidanka Booliska guud ahaan loo igmaday arrimahan hoos ku xusan:

  1. Inuu ilaaliyo nafta iyo maalka umadda

  2. Inuu ka hortago inaanu dembi dhicin, hadduu dhacana uu ka daba tago

  3. Inuu qab-qabto dembiilayaasha kuwaas oo ah sidaas ciyaalka aad sheegayso ay yihiin kuwa nabadgalyo darrada ka gaystay wadanka, intii la xidhayna dadweynuhu way ka raysteen.

Ta kale Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, wuxuu ka soo bilaabay shaqada ciidan Askari waxaanu ka soo gaadhay Taliye Ciidan, waana nin dhallinyaro ah oo ku fiican shaqada, intii soo martay Taliye Ciidan Boolis waa ninkii ugu dedaalka badnaa haday noqoto xaga aqoonta ciidanka iyo gaadiidkaba, waa nin bulshada ku xidhan, waa nin ma seexde ah oo hadh iyo habeen u soo jeeda dalkiisa hooyo iyo dadkiisaba, waa nin ku xidhan, waa nin ku xidhan madaxdiisa ka hoosaysa iyo ciidankiisaba, waa nin habeen iyo maalinba u taagan shaqada qaran ee loo igmaday, waana nin aan u qalmin in la aflagaadeeyo ama la caayo, halkaad amaan u soo jeedin lahayd inaad been iyo waxaan jirin aad qorto waa wax ayaan darro ah.

Fadal

Waxaan tallo kugu siinayaa inaad ilaaliso anshaxa qoraalka kaas oo ah mid adiga ku qabanaya, waxaa kale oo aan kugu waaninayaa in haddii aad dhaliil hayso inaad toos ugu tagto Taliyaha Ciidanka oo aad u sheegto dhaliisa aad hayso mana wanaagsana inaad madaxdaada aflagaadayso oo aad ku qorto meel cadawga oo dhami wada akhrisanayaan.

A.M. Caraale