Taladii Talyanle Tebeyey , W/Q: Cali Cabdi Coomay

3/5/2002 ayuu madaxweyne Cigaal ‘AHN’ ku geeriyooday dalka Koonur afrika gaar ahaan magaalada Biritooriya dhakhtar ku yaalla. Markii warka geeridu uu soo gaadhay gudaha Soomaalilaan waxa ay dadku walaac ka qabeen waxa xigi doona iyo xalku uu ku dambayn doono dalku, iyaga oo qaarkood wadnaha farta ku hayey, oo xusuusnaa dhibaatooyinkii uu madaxweyne Cigaal dalka kala dabaashay. Shirar kala duwan oo lagu gorfeynayo xaalada dalka iyo waxa la yeelayo, dabadeed labadii gole-distoore ee Baarlamaanka iyo Guurtidu ayaa bilaabay ka arrinsiga xaalada.

Doodo kala duwan ayaa la gabtay, iyada oo distoorka Soomaalilaan la eegay, waxaan markiiba soo booday qoddobka 130-naad firqadiisa 4aad ee tilmaamay mudada kala guurka ah ee aan weli

xisbiyo lagu tartamin inuu xilka madaxweynenimo qabanaayo Guddoomiyaha Golaha Guurtida. Iyada oo uu distoorkii halkaasi taagan yahay, ayuu Guddoomiyihii Golaha Guurtida Sh. Ibraahin Sh. Yuusuf Sh. Madar’AHN’ go’aansaday inuu xilka madaxweynenimo u dhaariyo madaxweyne ku-xigeenkii Daahir Riyaale Kaahin, sidaasina uu Daahir Riyaale madaxweyne ku noqday, iyada oo distoorkii la baalmaray.
Dabadeed Sheekh Ibraahin ayey gurigiisii ugu tageen rag siyaasiyiin ahaa oo ay isku hayb yihiin, waxaanay ku yidhaaheen” Sheekh maxaad xilka madaxweynenimo u qaban weyday, ileyn adiga ayuu distoorku ku siinayaa inaad xilka qabato ‘e?” markaasuu Sheekh Ibraahin ugu jawaabay” waar ninkii Daahir Riyaale Kaahin ee aan xalay dhaariyey xilka madaxweynenimo saaka ku qabsan mayo ee I daaya, wax kasta ha ahaatee”. Sidoo kale ayey haddana rag kale u tageen Sheekh Ibraahin oo ay kala hadleen isla arrintii, sidii kuwii hore oo kale ayuu u qanciyey, waxaanu ku yidhi” waar ma waxaad doonaysaan in la yidhaa kursiga Isaaq ayuun baa iska haysta, oo waa tii Siyaad Barre oo kale?, taasi ka dhicimayso dalkan, waxa aynu ummadda tusaynayaa in Soomaalilaan la wada leeyahay”.

Wixii faahfaahin ah ka eeg buugga” GO’AAN IYO GEESINNIMO ee ka hadlaya Sooyaalkii Sh. Ibraahin Sh. Yuusuf Sh. Madar”. Sidaasi oo kale xildhibaan Talyanle waxa ay ahayd inuu inuu eego xaalada taagan iyo mustaqbalka waxa soo socda, oo ku yidhaahdo kuwan dib u soo kiciyey” waar ninkii Baashe ee aan shalay hambalyeeyey, caawa ku qabsan maayo ee orda oo iga taga”. Sidaasi ayey sharaftu ku jirtay, oo dalkana ka badbaadin lahayd buuq siyaasadeed. In dib wax loo eego dhib ma leh, balse wax ka sii qurux badnayn inuu dhaafto, si buuq looga baaqsado, oo uu danta dalka eego. Haddii ay doorshadani ku dhici lahayd bilaa buuq, waxa laga saadaalin lahaa in madatinimo ee soo socota iyadana si fiican loogu kala bixi lahaa.

Waxa la yidhi MEYD WAXA U DAMBEEYEY KAA LA SII SIDO, madaxweyne Siillaanyo wuxuu aqbalay in 80 cod lagaga helay oo wuu hambaleeyey, iyada oo madmadow badani ku jiray 80-kii cod ee lagaga helay. Dhammaan go’aanadaasi waxa ay ina barayaan siday dalka buuq siyaasadeed uga baajiyeen ragaasi oo ay dib u liqeen damacoodii. Kaalintii Guddoomiye Cirro ayaa meesha iyana ka maqnayd, oo waxa la gudboonayd inuu yidhaa waxaanu haynaa inay 39 xildhibaan u codeeyeen Talyanle, balse qaranka Soomaalilaan ayaanu u tanaasulay oo qas iyo jahawareer siyaasadeed dalka gelin meyno. Balse isna taladaasi way seegtay. Siyaasiyiinta Soomaalilaan waa inay darsaan taariikhihii dadkii dalka soo maray iyo damacoodii siday u liqeen ee ay danta ummadda ugu hiilliyeen, si ay wax uga bartaan.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.

Calicoomay@hotmail.com