Guddoomiye Cirro Oo Xukuumadda Ugu Baaqay In Aanay London Ku Galin Heshiisyo Aan Baarlamaanka La Soo Marin Doonin.

(SLT-Gabiley)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDAni Md. Cabdrixamaan Cabdilaahi Cirro ayaa ka digay in xukuumadda Somaliland ay gasho hesheesiyo ku saabsan khayraadka dalku leeeyahay iyadoo aan soo gudbin ayuu yidhi shacri lagu maamulo.Waxa uu ku baaqay in la sameeyo shuruuc lagu maamulo khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland, “Khayraadka dabiiciga ah waa nicmo Eebbe qarankan siiyey, waana loo siman yahay. Waxa siyaasadda xisbigu tahay si aan uga baadbaadno aafo aynaan ka soo kabin karin in inta la samaynayo sharciyada khayraadka dabiiciga ka aynaan gelin wax heshiisyo ah, kuwaas oo innaga iyo ubadkeenna u keeni kara cidhib xumo.

IMG_BAC5F1-B362F7-AF033F-FDD2C9-E639C6-35291F

 

 

“Xukuumaddu iyada oo ka wakiil ah shacbigeeda heshiis way geli kartaa, waxaase dastuurka waajibiyey in laga ansixiyo Golaha Wakiillada, heshiis kasta oo aan laga ansixin Golaha Wakiilladu wuxuu noqonayaa heshiis aan sharci ahayn” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com