Tacsida iyo Burburkii Jeeganta iyo Wareejinta Xisbiga Kulmiye oo 45-tii Maalmood ka Dib Noqotay Riyo Maalmeed

Maanta waxan halkan kaga hadli donaa arrin ay dadku si wayn u dhawrayeen waa wareejinta xilka iyo jagada gudoomiyaha xisbga kulmiye.
Werwerka jeeganta iyo kala shakiga kusoo biiray beelihii ood-wadaagta
siyasadeed lahaa ee bariga iyo galbeedka somaliland.

Xaalku waa sidee. xeerkii miyuu jabay. bal ad-ba.

Madaxawaynihii hore ee somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo oo
ah asasihii xisbiga kulmiye ahna asasihii jeeganta ee surta-galka ka
dhigay xulufadii isbahaysiga jeeganta ee labada degaan waxa uu xilka
gudoomiyaha xisbiga wareejiyay 45-malmood kadib uun guushi xisbiga
kulmiye 26-june-2010-kii isagoo xisbigii uu aas-aasay kana ahaa
gudoomiyaha ee aan cidi ugu manad sheeganaynin farta kasaaray mujaahid
muuse biixi cabdi waxayna ahayd ruumaynta balan-qaad hore oo si shaqsi
ah iyo si degaan-ba uga dhaxeyay labada dhinaca.

Isbahaysigaas siyasadeed oo labada beelood ay ku gadheen guulo
siyasadeed oo dalka ka hirgalay sanadihii 2010-kii-2017-kii waxay
bud-dhig u noqdeen in labada dhinac iska kaaliyaan dhanka siyasada.

Hadaba maanta waxa laga jooga xiligii ay waajib-ka ku ahayd inuu muuse
ku wareejiyo kursiga maalmo kooban. oo wakhtigii wuu dhaafay 45- kii
maalmood sidii dhaqankau ahaan jiray .mana muuqato ifafaalo muujinaya
kursiga xisbigu inuu soo wareego.

M/Wayne muse biixi wuxu isticmaalay siyasada adag oo uu ku rabo inuu
kusii fadhiyo kursigaas .wuxuuna dagaal siyasadeed la galay ragii u
hanqal tagayay jagadaas.

Ninka Laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geell. (maxamed kaahin)

Maxamed kaahin oo ahaa siyaasi wayn oo magac iyo milgo lahaa. waxaa
lagu ar-baabay xilka wasiirka arimaha gudaha halkii dadka deegaankiisu
ay ka filayeen inuu maxamed ka rumeeyo riyadii ahayd waxan noqonayaa
godomiyaha xisbiga iyo madaxwaynaha mustaqbalka .taas badalkeeda waxa
loo dhiibay xilka wasiirnimo si meesha looga saaro hankiisa xisbiga.
mr kaahin waxa si cad loo ogaaday inan lahayn han ku aadan inuu noqdo
gudomiyaha xisbiga markii uu aq-balay qabashada jagada wasiirnimo .

Hadaba maxamed kaahin shalayto wuxuu lahaa waxan rabaa inaan noqdo
gudomiyaha mustaqbalka lkn iminka waxa uu noqday wasiirka muuse biixi
wuxuuna ku shaqayaa awaa-miirta muuse biixi wuxuna noqday xubin jeebka
muuse ku jirta.

Ninkii labaad ee lahaa hanka jagada gudoomiye waxa uu ahaa maxamud
xashi oo aanay markii hore-ba isu laab xadhnayn muuse biixi isgana
muuse waxa uu la galay dagaal adag oo siyasadeed kaas oo gaadhay inuu
xataa tirtiro raadkii uu kaga tagay qaranka .waxaanad arkaysay in
goobihii uu kasoo shaqeeyay iyo dadkii uu shaqada qoray-ba meesha laga
saaray.

Maxamuud iminka waxay ka taagan-tahay halkii ninkii lagu yidhi hooyada
iyo aabaha keeba la dilaa ? ee yidhi arinkaas afka ayaan ka kala
hayaa. oo mucaarid maanta ma noqon karo .muuse biixina wax uma ogola.

Muuse waxa uu meel banaan dhig-tay xilka gudoomiye waxaana uu
cadays-tay inuu xiniinyaha kasaaray ragii wakhtigii hore baar-qabada u
sheegan jiray degaanadood ee lahaa ila raad-sha kulmiye isagoo ku
wiiqay xajimiga xilka dawladnimo ee meeriskeeda uu maanta majaraha u
hayo.

Burubrka Jeegaanta iyo Tacsida isbahaysiga ayaan cawada iyo cawayso
danbe sugaynaa.

Maalmo lasoo dhaafay iga dheh wixii la odhan jirey jeeganta
.burburkeedii waxaa soo dadajinaysa ifafalaha muujinaya inaan
sanadkani ahayn sanad dumaaleed.

Waxay labada dhinac-ba iminka isticmalayaan mar iyo mar oo micnaheedu
yahay mar ayaan ku doortay adna mar ayaad i doortay. ee markan wa ani
iyo nasiib-kay. lkn reer barigu kama samri karaan xisbiga kulmiye oo
waxay u arkaan mulkilayaasha xisbiga ee sheerkii hore bixiyay.

Hadaba waxaan halkan tacsi siyasadeed ugu dirayaa kuwii kulmiye lahaa
waa qori isu dhiib ee shalay qofkii tageera xisbiga kele odhanjiray
waa danbiile ee hala xidho oo wuxuu ka hor-yimi xeerkii jeeganta ee
aan dhaxal-sugaha ka ahayn.

lkn hal nin ayaan qoraalkan ugu garaabi karaa waa maxamuud xashi cabdi
oo lahaa waar Bi’waaye doorashada ka hore dumaasha raadi qaarba lahaa
wuu degdegayaa iyo qaar kale oo lahaa mujaahidkaa hadhoow lagu
wareejin lkn waxa xaqiiq ahayd in shuruud cad lawada galo ka hor
dorashada.

Hadaba muuse iminka waa ceelalayo mar kale. xagee la socdaa si kulmiye
usii jiro.?

In isbahaysiga muuse ula wareego dhinaca daraf-yada isagoo kulmiye ku
wareejinaya siyasiyiinta boorama si awooda xisbigu usii jirto.dhanka
kale marka laga eego taasi waxay noqon kartaa faa’ido qaran .waayo
waxa halis badani ka iman kartaa hadii dorashada danbe jeegantu soo
noqoto dalku waxa uu noqonayaa mid labo beelood u xidhan waana arin
khatar badani ka iman karto

lkn hadii xisbiga lagu wareeji siaaysi reer awdal ah qaranka dani way
ugu jirta oo ceebtii jegaantu meesha way ka bixi .hadii mar kale
xisbiga wadani laga guulaystana wuxuu ku samri karaa ciro inanay
jeegantu ka guulaysan ee reer awdal ka guulaystay. oo xisbiga wadani
tageero wayn ayuu ku laha awdal taasina waxay keeni guuldarada wadani
ee mustaqbalka. oo halkan waxa miliqsanaya odaygii Axmed ismaciil
samtar oo aan doonaynin wax gudoomiye xisbi ka yar.

Alaah mahad leh

waa qalinkii. Mustafe Axmed Max’ed Geedi

Email.mustafea179@gmail.co

somaliland