Taariikhda Dawlada Sucuudiga Iyo Qaabkii Loo Aas-Aasay Wax Ka Baro, Qormadii 13` aad

Ibraahim waxa uu ciidamadiisii u soo dhaqaajiyey dhinaca magaalada Darciya.Waxaanay ka ta laabeen ciidamadi togga weyn ee loo yaqaano Waadi ( Xaniifa) halkaasna waxa ay ka bilaabeen ciidamadu dabridkii, iyagoo hubka madaafiicda ku garaacaya dhufaysyadii iyo Qalcadihii gabaadka u ahaa ciidamada Sucuudigu. Ciidamadii Sucuudigu is may dhiibin ee way is difaaceen.

Sidoo kale dagaalka dhinaca Sucuudiga waxa markan toos ula wareegay hogaamintiisa Amiir Cabdullaahi, sidoo kale waxa Cabdullaahi dagaalka ku welelinaayey oo kana garab dagaalamaayey xulafadoodii reer Aalla sheikh oo iyaguna dagaalamay maalintaas .

Ibraahim waxa uu ku soo rogay Darciya go’doomin adag oo

uu dhinac walba ka saaray, dagaalkuna waxa uu ahaa kolba mid dhinac la`hinjinayey. Waxaanu dagaalku sidaas ku sii socday bil iyo xoogaa, taasina waxa ay walwal ku abuurtay Maxamed Cali oo jooga Qaahira isagoo ka werwersan dhibta iyo daganaasha la`aanta halkaas ka jirta iyo baahida ay ciidamadiisu u qabaan gurmad iyo taakulayn in la gaadhsiiyo. Waxaanu Qaahira ka soo diray sahay iyo saanad Mulatari. Ciidamadii Ibraahim waxa ay qabsadeen qaybo ka mid ah xaafadaha Darciya iyagoo garab ka helaayey qaar ka mid ah dadka reer guuraga ah, kuwaas oo tusaayey jidadka iyo dhabooyinka loo dhexmaro Darciya. Dagaalki waxa uu ku fiday xaafadaha magaalada iyo jidadkeeda waaweyn . Waxa kale oo uu ahaa dagaalku mid aan waxba layskula hadhaynin oo xitaa guryaha lagu dhex dagaalamaayey. Sidoo kale waxa isna dagaalka galay oo uu dhaawac fududi ka soo gaadhay Cabdullaahi Bin Sheekh Maxamed Bin Cabdiwahaab.

Dagaalku marba marka ka sii danbaysa waa uu sii adkaanaayey waxaana ugu danbaytii Ibraahim qabsaday oo la wareegay Najda dagaalo culus ka dib oo socday saddex maalmood iyo saddexdoodii habeen ba. Dhulkaasina waxa uu ahaa meesha kali ah ee uu Amiir Cabdullaahi uu quudaraynaayey inuu kaalmo iyo taakulaynba ka heli doono. Markii ay arkeen hogaamiyayaashii Darciya in aanay dagaalka guul ka gaadhayn khasaare soo gaadhaacaya mooye oo badina la qabsaday xaafadihii magaalada ayey wafdi wada xaajood ah u soo direen Ibraahim Baahe. Ibraahim waa diiday inuu lagalo wada xaajood waftigaas. Waxaanu ku yidhi waftigii : iddinla kulmi maayo illaa uu soo xaadiro oo uu yimaado Amiir Cabdullaahi. Ergadi dib ayey ugu soo laabteen Amiir Cabdullaahi waxaanay u sheegeen arrinkii waanu ka aqbalay inuu la’ kulmo Ibraahiim. Waxaanaay labada dhinac galeen heshiis sannad kii 1233 H /1817M waxaanay isla qaateen qodobadan :-

1. In uu ilaaliyo oo aanu dumin Ibraahim wixii magaalada dhismayaal ka hadhay

2. In aan waxba la yeellin dadka degan magaalada

3. Inuu u diyaar garoobo Amiir Cabdullaahi Mastaafurin loo Mastaafurinaayo Masar.

Sidaasna waxa hubkii lagaga dhigay reer Aalla Sucuud iyo xulafadoodii waxaana soo af jarmay 70 sannadood oo ay reer Aalla Sucuud iska soo dhaxlayeen maamulkoodii. Amiir Cabdullaahi waxa loo qaaday Qaahira waxana looga sii gudbiyey Istanbuul halkaas oo ugu danbayntiina xukun dil ah lagu fuliyey.

Intaa ka dibna Maxamed Cali waxa uu soo saaray oo ka soo fullay awaamir cusub oo ay ka mid ahayd in lagala wareego qoyska reer Aalla Sucuud hanti waxa ay haystaan Maal iyo Moodba iyo in la mastaafuriyo iyaga iyo reer Aalla sheekhba tiro badan oo ka mid ah loo mastaafuriyo Masar iyo wadama kale is ay halkaas mastaafuris iyo barakac ugu noolaadaan .

Ibraahim waxa uu fuliyey amarkii lafaray reer Aalla Sucuud iyo reer Aalla Sheekhba sidii ayuu ka yeelay , waxa kale oo uu burburiyey darciya. sidoo kalana waxa uu bara -kiciyey dadkii magaalada daganaa . Waxa kale oo uu jarjaray dhirtii timirta ahyd ee ku tiilay beeraha Bustaanada darciya .

GOD DALOOLOOYINKII KA DHASHAY DUULLAANKII MASAARIDA

Ibraahim Baasha waxa uu Najda ka tegay sannadkii 1234 hijriyada xilligaasna wadanku waxa uu ahaa mid uu burbur badani ka muuqdo. Waxa kale oo wadanka ka jiray xasilooni darro iyo foowdo baahsan, sida dagaalo sokeeye oo ka dhex qarxay beelo badan oo oodwadaag ahaa. Waxaana xilligaas qabaa’iladii dirirtu dhexmaraysay la’kala dhexdhigay Ciidamada Cusmaaniyiinta oo loo arkaayey in ay colaada gobolka dhex ka yihiin maadaama uu meesha ka baxay maamulkii dawlada Sucuudigu.

Waxa kale oo meesha ka baxay saamayntii iyo awoodii dawlada Sucuudigu ku lahayd Khaliijka Carabta siiba Imaaraadka halkaas oo ay fursadi uga banaanaatay damacna ka galay gumaystayaashii reer yurub siiba Ingiriiska oo qabsaday Baxrayn sannadkii 1236 hijriyada oo ku beegan 1820 miilaadiga. Waxa kale oo uu sii waday Ingiriisku isbalaadhintiisii deegaanka isaga oo qabsaday Imaaraadka carabta, ugu danbaytiina Imaraadka siiyey Madax banaanidoodii halkaasna lagu soo af jaray maamulkii isticmaarka oo laguna unkay isku taga Imaaraadka Carabta si looga talaabsado oo loona baabiiyo raadkii iyo cawaaqib xumadii uu ka tagay gumaystihii Ingiriisku.

Maantana halkaa ha inoo joogo Maqaalku .

Lasoco qaybta 14aad maalinta jimcaha ah ee fooda inagu soo haysa Insha Allah tacaalaa.

Qalinkii:Maxamed Muuse Cilmi

Bariise_77@hotmail.com/www.facebook/maxamedbariise