Soo Dhawaynta Murrashax Jamaal Cali Xuseen Oo Si Wayn Looga Dareemayo Dalka Canad.

(SLT-Toronto)-Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan. Jamaal Cali Xuseen oo muddooyinkii uu danbeyey safar shaqo ku joogay dalka Maraynkanka kulamana la yeeshay Madaxda xisbiga ucid iyo Taageerayaasha magaalooyin ay kamid yihiin Boston iyo Minneapolis.

cc

Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo weli ku guda jira safarkiisii shaqo ayaa todobaadkan soo socda la filayaa inuu gaadho dalka Canada gaar ahaana Magaalada Toronto, halkaasoo ay si weyn ugu diyaar garoobeen Taageerayaasha iyo Madaxda xisbiga Ucid ee Toronto. Musharrax Jamaal ayaa mudada uu halkaas ku sugan yahay waxa uu booqasho ku tagi doonaa Xarunta Xisbiga Ucid ee Toronto, Halkaas oo kulamo kala duwan la qaadan doona madax sarsare oo ka tirsan Xukuumada Canada, Xildhibaano iyo Shakhsiyaad caan ah.

Si kastaba ha ahaatee, Musharrax Jamaal Cali Xuseen ayaa taageero miisaan leh ku leh qurba jooga iyo qolqol jooga reer Somaliland, arrintaasoo loo maleynaayo inay keentay inuu yahay siyaasi da’yar, isla markaana wax badan ka bedeli karaa nidaamyada muddada dheer ragaadiyay horumarka umada reer Somaliland.