Suldaan Cabdillaahi Laydh Oo Kamid Ah Saladiinta Gobolka Maroodijeex Oo Ugu Baaqay Koomiishanka Doorashooyinka In Aanay Somaliland Qalalanse Iyo Halaag U Horseedin

(SLt-Hargaysa) Suldaan Cabdilaahi Axmed Cilmi oo Kamida Madaxdhaqameedka Beelaha Hawd Iyo Hargeysa ayaa komishanka doorashooyinka somaliland ugu baaqay inaanay dalka u horseedin xasilooni darro khalkhal ku keenta amniga iyo wadajirka somaliland islamarkaana ay si adag uga soo baxaan masuuliyadda saaran ee doorashadda suldaan cabdilahi.

suldaanka oo goordhawayd warbaahinta kula hadlay hargeysa ayaa sheegay in komishanka doorashooyinka looga baahanyahay inay hab cadaaladeed ku wadaan masuuliyadda saaran islamarkaana ay dhagaystaan cabashooyinka ka soo yeedhaya xisbiyadda muncaaradka ee ku saabsan doorashadda

suldaanku waxa uu sheegay inay komishanka doorashooyinku dusha ku qaadan doonaan dhibaato kasta oo ka timaada doorashadda islamarkaana aanay u danayn shaqsi iyo cid gaar ah oo dan leh balse ay u daneeyaan qaranimadda iyo jiritaanka somaliland si masuuliyadi ku dheehantahayna uga soo baxaan masuuliyadda culus ee saaran

ugu dambayntii suldaanku wuxuu komishanka xusuusiyay inay iyagu sabab u yihiin mudaharaadada dalka ka dhacay iyo khasaaraha ka dhasha ee dhaawac iyo dhimashaba leh islamarkaana hadii ay talaabo cadaaladda ku salaysan qaadi waayaan ay taariikhda ka gali doonaan baalmadaw dushana ku qaadan doonaan dhibaato kasta oo ka timaada doorashadda.

sidoo kale waxaan halkan ka tacsidaynayaa dadka khasaaraha dhimashadda iyo dhaawaca ahiba caawa ka soo gaadheen banaanbaxyaddadalka ka dhacay.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office