Dalka Spain Oo karantimeeyay Diyaarad Ku Dagtay Magaalada Madrid Oo U La Socday Qof Qaba EBOLA

(SLT-Madrida)-Diyaarad ay leedahay shirkadda Air France, oo kasoo degtay garoonka Magaalada Madrid, ayaa la karantiilay kadib markii la sheegay inuu saaran yahay qof qaba xanuunka Ebola.

Mid ka mid ah rakaabka saarnaa diyaarada Air France 1300 oo ka soo duushay magaalada Lagos ee dalka Nigeria ayaa bilaabay in uu gariiro xumadna uu yeesho markii ay ku soo degeysay diyaarada garoonka caalamiga ah ee Barajas xarunta dalka Spain.

Saraakiil u hadashay shirkadda Air France ayaa waxa ay sheegeen in shaqaalihii saarnaa laga dejiyay diyaarada. Waxana ay mas’uuliyiinta intaa ku dareen in diyaarada la karantiilay lana joojiyay duulimaad ay dib ugu laaban lahayd.

Ugu yaraan 160 qof ayaa saarnaa diyaaradan ka soo duushay garoonka Charles de Gaulle ee magaalada Paris 9.35am waxayna soo gaadhay Madrid 11.30am.

 

d

 

Afhayeen u hadlay shirkada Air France ayaa sheegay in dhammaan rakaabkii saarnaa diyaarada meel gaar ah la geeyay lana baadhayo xaaladooda caafimaad. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in rakaabka ku xanuunsaday diyaarada dusheeda aaney qabin cudurka dilaaga ah ee Ebola.

Dalka Faransiiska ayaa noqday wadankii afraad ee bilaaba in uu baadhitaan ku sameeyo dadka ka soo dagaya garoomada dayuuradaha kadib wadamada Britain,Maraykanka iyo Canada.

Dowlada Spain ayaa sare u qaaday dadaaladeeda ku aadan sidii ay ugaga hortagi lahayd cudurka Ebola kadib markii kalkaaliso caafimaad oo u dhalatay dalka Spain ay noqotay qofkii ugu horeeyay ee cudurka Ebolaha ku dhaco marka laga soo tago qaarada Afrika.

 Maxamed Aadan

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday