Sooyaalka Calanka Soomaaliya ee Buluuga ah W/Q: Cali Cabdi Coomay

Halkee ayuu Calanku ka yimid?

waxa jira dhawr doodood oo ku saabsan ciddii samaysay calanka buluuga ah ee ay wada lahaan jireen Soomaaliya iyo Somaliland, balse imika ku hadhay Soomaaliya. Aragtiyo kala duwan ayaa laga bixiyaa ciddii samaysay calanka.

Qaar ayaa ku doodda waxa lahaan jiray Somaliland, oo markii la midoobeyey waxa laga taagay Hargaysa, gaar ahaan xarunta 26 Juun waana kii abwaan Timacadde (AUN) ka tiriyey gabaygii caanka ahaa ee kana siib kana saar. Qaar kale ayaa yidhaa waxa lahaan jiray Soomaaliya gaar ahaan xisbigii soomaaliya ka jiray ee SYL.

Markaa waxa aynu soo bandhangi doonaa aragtiyahaasi iyo tix-raacyadooda.

· Sannadkii 1935-kii ayuu Talyaanigu qabsaday dalka Itoobiya, waxaanu weerarkaasi ka qaybgalay askar Soomaali ah oo Talyaanigu ka keenay deegaanada Soomaaliyada ee uu wakhtigaasi gumaysan jiray. Qabsashadaasi ka dib wuxuu u sameeyey maamul lix maxmiyadood ka kooban oo kala ah: Amxaara, Galla-Sidaamo, Shawo, Harar, Eritereya iyo Soomaaliya. Mid kasta wuxuu u sameeyey calan u gaar ah. Ka dib Soomaaliya wuxuu u sameeyey calan ka kooban maro buluug ah, oo cirka u eeg dhexdana ku leh xiddig cad oo shan gees leh iyo shabeel. Doodan waxa aaminsan oo Buugtiisa ku qoray Qoraaga Cabdiqaadir Arom (AUN). Markaa calanka Soomaaliya waxa sameeyey dawlada Talyaaniga.

Tix-Raac: buugga Gli annali dell’ Afrika Italina anno II NUMERO 1939. Waa buug ku qoran Af-talyaani.

· Calanka buluuga ah waxa sameeyey oo ay maskaxdiisa ka soo burqatay Maxamed Cawaale Liibaan. Wuxuu sameeyey calanka sannadkii 1954-kii. Wuxuu ka mid ahaa ururkii SYL, ka dib dood dheer oo k dhalatay calankan waxa la isku raacay in calanka la qaato. Markii ay ururka SYL isku raaceen in calanka la qaato ayey u geeyeen maamulkii Talyaaniga, ka dib Talyaanigii ayaa markiiba diiday calanka, waxaanu ku tilmaamay inuu la mid yahay calanka dal Zair (Congo), markaa aan loo baahnayn cala dal kale in la qaato. Doodd kale ayaa ka dhex-qaraxday koox uu hogaaminayey MCLiibaan iyo maamulkii Talyaaniga.

· Dooddii ay soo bandhigeen ururkii SYL ayaa noqtay in ay labada calan kala duwan yihiin, oo ka soomaaliya xiddigtu cad tahay, halka ka Congo xiddigtu huruud tahay. Markaa dib faraqii la ogaaday, sidaasina Talyaanigu ku qancay in laga dhigo calanka Soomaaliya. Markii dambe ayuu MSBarre xidhay koox uu ka tirsanaa MCLiibaan ka dib waxa loo sameeyey hees lagu taageero halyeygaasi calanka sameeyey, waxaana qaada fannaanda Saado Cali Warsame(AUN) waana tii lahayd” ninkii dhigay calanka buluugle, lafdhabartii kama xishoone, ma dhaafine, askari ma dheelmay, miyaa xabsi dhagax jiifaa”.

Tix-Raac: keydka wasaaradda waxbarashada Soomaaliy 1970.

· Calanka Soomaaliya waxa sameeyey rag ka tirsan Soomaalida Itoobiya(Kililka 5-naad), gaar ahaan Suldaan Biixi Foolay oo ahaa Suldaan ka mid ahaa ragii ku hawlanaa gobonimo-doonkii Soomaaliweyn. Waxa ay ku doodayaan in Suldaan Biixi Foolay uu ahaa qofkii sameeyey calanka Buluugga ah ee Soomaaliya. Waxa ay sheegeen dadka ku doodaya fikirkan in Suldaanku uu calanka ka alifay midabadiisa Buluuga oo cirka uu ka soo qaatay iyo xiddigta cad oo uu ka soo qaatay caanaha Geelaha Ogaadeenka. Kooxdani ma haystaan wax tixraaca ah oo sugan. Marka laga tago doodaasi afka ah. Xogtan waxa aan ka helay Abwaan Yuusuf Shaacir.

· Calanka waxa lahaa Somaliland markii la midoobeyey ayaa laga qaaday Hargaysa, markaa waxa lahaa mid ka mid xisbiyadii Somaliland ka jiray wakhtigaasi, laakiin may sheegin xisbigii lahaa. Tusaale ahaan ma SNL, NUF iyo USP, may sheegin kii lahaa. Kooxdani ma haystaan tix-raac, aan ka ahayn afka.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com