Soomaaliya: Qarax Miino Oo Lala Eegtay Ciidamadda Nabad Ilaalinta AMISOM

(SLT-Muqdisho)Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan weerar miino ah oo lagula eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada Midowga Africa ee AMISOM duleedka Waqooyi ee degmada Balcad gobolka Sh/dhexe. Miinadan oo la sheegay in ay tahay mid dhulka lagu aasay ayaa waxaa ay waxyeelo ka soo gaartay mid ka mid ah gaadiidka ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay ka soo tageenmagaalada Muqdisho kuna sii jeedaan magaalada Jowhar gaar ahaan garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar oo saldhig ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM. Wasiirka Amniga Maamulka Hirshabelle C/qadir Aadan Jeelle ayaa sheegay inaysan jirin waxyeelo ka soo gaartay ciidamada AMISOM balse gaarigii ay miinada la qaraxday ay waxyeelo soo gaartay.

Qaraxa oo ka dhacay halka lagu magacaabo HaanSheekh oo udhexeysa Balcad iyo Gololey ayaa ah goob labo toddobaad kahoray miino kula qaraxday gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM.

Hase yeeshee Wasiirka Amniga Hirshabelle Jeelle ayaa sheegay inhowlgalo laga sameeyay halkaa oo dhir ay ku dhuuman jireen Al-Shabaab laga jaray haatana ay qorsheynayaan in ciidamo isugu jira Soomaali iyo ciidamada AMISOM la dejin doono.

Weerarkan miinada ah ayaa imanaya maalin kadib markii Wasiirka Gaashaadhinga Soomaaliya Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan uu ka sheegay shirkii golaha wasiirada in Al-Shabaab laga sifeeyay dhammaan gobolka Sh/dhexe.

Somalilandtoday/Muqdisho/Office