Soomaaliya Oo Fara Caaradooda Kaga Badbaaday Cudurka Ebola

(SLT-Sierra Leone)-Askari reer Sierra Leone ah oo ka mid ahaa guuto u diyaar garoobaysay Soomaaliya ayaa lagu arkay cudurka Ebola.

Sierra Leone ayaa qeyb ka ah ciidammada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

 

141008155242_sp_sierra_leone_624x351_afp

Dowladda Sierra Leone ayaa sheegtay in la karantiilayo dhamaan guutadaasi heeganka u ahayd Soomaaliya dhacdadaasi kaddib.

Waa markii ugu horreysey oo cudurka Ebola ee ka dilaacay Sierra Leone uu saamayn ku yeeshay ciidammada nabadilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com