Soomaaliya Oo Doonaysa Inay Sool Iyo Sanaag Ka Bilowdo Qorshe Ay Ku Xagal-daacinayso Midnimada Somaliland

(SLT-Garoowe)-Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa dedaal ugu jirta sidii ay Qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland looga hagal-daacin lahaa Gobollada bariga, gaar ahaan Sool iyo Sanaag.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo safar ku jooga Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa sheegay in Arrimaha Dawladda Federaalku sannadkan cusub ka shaqaynayso ay tahay sidii arrinta Sool iyo Sanaag looga hadli lahaa iyadoo la marayo hab siyaasi ah, isagoo sheegay in arrintaasina ay si gaar ah u khusayso Maamulka Puntland.

Wasiir Xoosh, ayaa sheegay inay wakhti dheer u baahan tahay in Somaliland lagala hadlo Midnimada Soomaaliya, balse loo baahan yahay in Sool iyo Sanaag looga hadlo si gaar ah oo Siyaasi ah, waxaanu Maamulka Puntland ku booriyey inay arrintaa ka shaqayso.

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Mid wakhti dheer u baahan oo idinkana (Puntland) aad idiin khusaysa ee Xal Siyaasi ah u baahan waa arrinta Somaliland, taasi oo ah in Sool, Sanaaag iyo Khaatumo oo u baahan in si siyaasi ah oo isku xidhan in looga hadlo u baahan, Markaa arrimahaas inaanu ka shaqayno weeyaan”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay arrintaasi ka shaqaynayso Sannadkan cusub “Annaguna Sannadkan waa waxyaabaha noo yaalla, haddii heshiis laga gaadhana waxa loo beddelayaa luuqad Dastuuri ah..”ayuu yidhi.

Hadalka Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa ku soo beegmaya Xilli dhawaan Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya Wada-hadal ku yeelanayaan Dalka Jabuuti, kulankaasi oo furitaan u noqonaya Wada-hadalladii u dhexeeyay labada dhinac oo dib loo ambo-qaadayo.

Sidoo kale, hadalka Wasiirkan ayaa imanaya xilli Maamul-gobolleedka Puntland oo kaashanaya Dawladda Federaalku uu Ciidamo soo dhoobay Duleedka Degmada Tuke-raq ee Gobolka Sool ee Somaliland, halkaasi oo Ciidammada Qaranku ka saareen ciidammadooda oo muddo ku amar ku taaglaynayey.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office