Soomaaliya Iyo Maraykanka Oo Kala Saxeexday Heshiis 300 Milyan Ah.

(SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa magaaladda muqdisho ku kala saxeexday heshiis ku kacaya 300 milyan markii u horraysay mudo 30 sano ah

Heshiiskaan oo ku kacaya ku dhawaan $300 oo milyan oo Dollar,  ayaa waxa wax looga qaban doonaa arimaha Caafimaadka, Waxbarasha iyo hormarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Hishiiskaan, ayaa Dowladda Soomaaliya waxaa u saxiixay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo xiriirka caalamiga ah, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, iyaddoona uu goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa dhowaan hishiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo dhismaha wadooyinka ka baxa Magaaladda Muqdisho lagalay Dowladda Qatar, taasi oo ku baxaysa lacag dhan $200 oo Milyan oo dollar.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office