Soomaalilaan Iyo Garsoorka Casriga Ah W/Q: Cali Cabdi Coomay

Qoraalkan waxa aynu ku dul-istaagi doonaa, waxa iska beddelay maxkamadaha Hargaysa ama waxa uu ku soo kordhiyey guddoomiyaha maxkamadda sare Prof. Aadan X. Cali. Qoraalkan waxa aynu uga soconaa bal in la arko oo la ogaado masuulka ummadda wax la taaban karo u soo kordhiyey ee mudan in ugu yaraan mahadsanid la yidhaa, kii aan waxba soo kordhina la yidhaa shaqo maad qaban. Masuul kasta oo ummadda waxqabad tusa waa in la dhiirogeliyo, oo la sheego wixii uu soo kordhiyey, si uu qalbigiisu u dareemo in la mahadiyey wixii tolmoonaa ee uu qabtay.

Xukunka garsooruhu waa inuu noqdo mid ummadda kala saara oo aan isku dirin, waxa jirtay sheeko garsoore u garnaqay Shaydaan oo hooyadii diley, waxaanay ahayd’ Shaydaan ayaa hooyadii diley oo meel xannuun badan jiid-jiiday, ka dib dacwadii ayaa maxkamad la horgeeyey, si loogu qaado xukunka uu mudan yahay waalid caasigaasi, ka dib xaakimkii ayaa ku dhawaaqay xukunkii oo yidhi” Shaydaan nin hooyadii dila wuu ahaa, Habar shaydaana wax la dilo way ahayd, oo iyada ayaa shaydaan dhashay’. Qoraalkan waxa aynu ku eegi doonaa waxbyaabaha shakhsiyan I soo jiitay ee aanan hore ugu arag masuuliyiintii hore ee maxkamadaha maamulaysay:

= 22/9/2016 waxa ay maxkamada gobolka Maroodi-jeex markii ugu horraysay xukun ku riday shaqaale maxkamadeed iyo dad rayid ah oo laaluush adeegsaday, xukunkaasi oo ahaa, LAALUUSH BIXIYE, LAALUUSH QAATE iyo LAALUUSH DILAALE, oo ahaa kii u dhexeeyey labada sare. Markii ay laanta baadhsita C.I.D-du soo bandhigtay markhaatiyaashii iyo caddaymihii waxa uu xukuno kala duwani ku dhacay afar nin oo mid yahay shaqaale maxkamadeed saddexda kalena yihiin dad rayid ah. Waxa la yidhi” Qofkii laba disho mid baa sheega, qofkii shakhsi dilana jinn baa sheega”. Waa xukun taariikhda galay oo aan hore loo arag.

= 25/9/2016 ayey maxkamada gobolka Maroodi-jeex go’aan ka soo saartay nin dhallinyaro ah oo da’diisu ahayd 16 jir oo ay isku haysteen laba qoys, oo mid kastaa dhiniciisa ku doodayey inay iyagu dhaleen, markii dambe ayaa wiilkii dhiigiisii lagu sameeyey baadhista casriga ah ee hiddo sidaha (DNA), si loogu go’aan qaato cida dhab ahaan dhashay wiilka ee ay isku haybta yihiin. Dabadeed dheecaankii (DNA) ayaa Nayroobi loo diray, ka dib waxa baadhistii ka soo baxday xukun loo cuskaday natiijadii, waxaana loo xukumay Jawaahir Cabdi iyo C/rashiid Cali inay dhaleen wiilka, oo ay isku hiddo yihiin 99%, waxaana laga xukumayey Aasiya iyo Jaamac. Waa xukun taariikhda galay oo aan hore u dhicin.

=  19/2/2017 ayey sidoo kale maxkamada gobolka Maroodi-jeex go’aan ka soo saartay ilmo yar oo 12 jir ahaa oo ay isku haysteen hooyo Itoobiyaan ah iyo laba nin oo reer Soomaalilaan ahi. Dacwadan ayaa markii hore ka socotay maxkamada degmada Laascaanooda ee gobolka Sool, balse loo soo wareejiyey magaalada Hargaysa, si ilmaha dhiigiisa baadhsi loogu sameeyo. Sidii dacwadii hore oo kale waxa baadhista dhiiga hidda sidaha ilmaha(DNA) loo diray Nayroobi, ka dib maxkamada horteedii ayaa natiijadii lagaga dhawaaqay, waxaanu go’aankii noqday inay hooyadii Itoobiyaanka ahayd ku guulaystay inay iyadu dhashay ilmaha oo uu baadhitaankii DNA sheegay inay isku hiddo yihiin in ka badan 99%, taasi oo noqotay inay iyadu dhashay. Hooyadii Itoobiyaanka ahayd ayaa oohin dhabbanada qabsatay maxkamada dhexeedii oo u qaadan weyday inay caddaalada ka heshay dal aan ahayn keedii, aakhirkiina waxa ay gacanta qabsatay inankeedii lagu haystay ee ay dacwada u gashay.

= Shabakadii markhaati beenaaleyaasha ahaa: Tan iyo markii uu xukuno kala duwani ku dhacay dadkii laaluushka lagu qabtay, waxa maxkamada hareereheeda laga waayey shabakadihii caanka ku ahaa markhaati beenaaleyaasha oo si weyn looga yaqaanay makhaayadaha iyo goobaha ku xeeran dhismaha maxkamadaha Hargaysa, kooxdani waxa uu hal-ku-dhigoodu ahaa’ yaan u gubtaa, oon been ugu dhaartaa’. Waxa ay hor-tubnaan jireen maxkamada Hargaysa horteeda, iyaga oo qofka doonaya in dulmi markhaati loogu furo halkaasi kula heshiin jiray, sidaasina been kitaab ugu dhaaran jiray.

= Xukunadii dhulka ee kolba qof loo xukumaayey: wakhtiyadii hore waxa caado ahaan jirtay inuu dhaco dil ka dhasha dhul la isku haysto oo maxkamadi kolba qolo u soo xukunto, balse dhaqankaasi haatan meesha wuu ka baxay, waayo garsooreyaal aan caddaalada ku shaqaynayn ayaa ummadda madaxa isku gelin jiray, oo dilalka sababi jiray, taasin wakhtiyadan waa laga raystay, oo dilalkii dhulku meesha ayuu ka baxay, oo waxa maxkamada Maroodi-jeex haatan garsooreyaal ka ah ardaydii ka soo baxday jaamacadaha dalka oo nadiif ka ah laaluush iyo caddaalad-daro, waana ta keentay inuu meesha ka baxo khilaafkii iyo dilalkii dhulka ka dhici jiray.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan