SOOL: Xoghayaha Maaliyada Xisbiga WADDANI Cabdirisaaq Khaliif Oo Si Aan Kala Hadhlahayn Loogu Soo Dhaweeyay Laascaanood Iyo Degaano Kale.+SAWIRRO

(SLT-Laascaanood)Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo wefti ka tirsan Xisbiga WADDANI oo maanta socdaal ugu baxay magaalada Laascaanood ee gobalka Sool, ayaa si ballaadhan oo aad u cajiiba looggu soo dhaweeyey deegaanada hoos yimaada magaaladdaasi iyo weli ba Laascaanood ba.

Weftigan oo Cabdirisaaq Khaliif ay ku wehelinaayeen saraakiil sare sare oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, ayaa deegaanaddaasi waxa ku qaabilay taageerayaal aad u baaxad weyn oo muujiyey cududooda taageero ee Xisbiga WADDANI iyo sida ay ugu heelan yihiin Xisbigaasi oo ay sheegeen in uu yahay xisbiga keliya ee Somaliland mideyn kara.


Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif iyo Weftigiisu waxa sida oo kale ay xadhiga ka jareen xafiisyo tirabadan oo shacabka ku dhaqan deegaanada Laascaanood ay iskood u furteen una qalabeysteen kuwaasi oo xoojin doona hawlaha shaqo ee Xisbiga WADDANI. Dadweynaha soo dhaweeyay waftiga ayay ka muuqatay qiiro xad dhaaf ahi.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office