SomalilandTodaySport:Hordhac: Barcelona vs Cordoba: Barca Oo Dooneysa Iney Ku Dhawaato Hogaanka Horyaalka

(SLT-HARGAYSA)-Barcelona ayaa heysata fursad ay ugu dhawaato Real Madrid madama ay maanta garoonka Camp Nou kusoo dhaweyn doonto kooxda Cordoba oo hoos ka hogaamineysa horyaalka.

Inkastoo Real Madrid aysan ciyaareynin madama ay caawa iyana ciyaareyso Finalka Koobka Kooxaha Aduunka, Bulgarana waxey hal dhibic u jirsan kartaa Real Madrid hadii ay guul gaarto.

Luis Enrique ayaa sii wadi doona inuu weerarkiisa ka ciyaarsiiyo xidigaha wadajirka ah ee Lionel Messi, Luis Suarez iyo Neymar JR.

Cardoba waxey gaartay hal guul lixdii kulan e ugu dambeeyay oo ay ciyaarto horyaalka La Liga iyadoo haatan fadhisa booska 19-aad iyadoo leh 11-dhibcood.

Enrique wax badan ayuu ka badali doona kooxdiisii 8-1 kaga adkaatay Huesca dhamaadkii todobaadkii hore kulan ak tirsan Copa Del Rey.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Barcelona vs Cordoba

Tartanka: Primera Division – La Liga

Garoonka: Camp Nou

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (Xiliga Geeska Afrika)

MA OGTAHAY:

Barcelona ayaa dhalisay 21-gool, afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay gurigooda ku ciyaaraan dhamaan tartamada oo dhan.

Pedro ayaa sadexley dhaliyay kulankii Huesca ay 8-1 kaga badiyeen iyadoo kooxda aysan heysan Messi, Neymar iyo Suarez.

Cordoba waxey xusuusataa guuldaro 5-0 ah oo kusoo gaartay Camp Nou, kulan ka tirsan Copa Del Rey oo dhacay laba sano ka hor.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

BARCELONA:’

Bravo, Alves, Mathieu, Pique, Alba, Busquets, Iniesta, Rakitic, Messi, Suarez, Neymar

CORDOBA:

Saizar, Crespo, Gunino, Pantic, Gomez, Garcia, Ghilas, Rossi, Fidel, Vico, Andone

 

 

 

Somalilandtoday/Hargaysa/Office