Somaliland Xilligan Kala Guurka, Maxaa Xal Ah? W/Q Maxamuud Xeef

Sida aynu ka warqabno waxa kaabiga inoo soo saran doorashadii madaxtooyada ee dalka oo dhici doonto dhamaadka sannadkan aynu ku jirno, waxaana muuqata ololeyaal aan sharciyeysnayn oo ka soo hormaray xilligoodii oo ay wadaan asxaabta qaranka gaar ahaan Waddani iyo Kulmiye sida ay sheegeen gudida anshaxa ee doorashooyinka qaranka u qaabilsan, balse taa ma jirto wali cid dhag jalaq u siisay.

Inta badan sida caadiga ah marka ay doorasho dhacayso dalaka caalamka kale waxaa jira isla xisaabtan iyo soo bandhigida macluumaadka dawlada ee kharashaadka lagu leeyahay, lacagta ku jirta qasnada dawlada iyo macluumaado kale oo sugaaya hantida qaranka si musuqmaasuq looga fogaado iyo ku tagrifal hantidaas, si haddii ay dawlad kale ku guuleysato xilka aanay ugu dhicin meel banaan iyo qasnado haawanaaya oo aanay xanibaad ugu noqon shaqada baaxada leh ee hor taala ee looga fadhiyo inay qabato.

Isla xisaabtan xilligan kala guurka ahi waxa uu faa’ido weyn ugu fadhiyaa guud ahaan shacabka reer Somaliland, xukuumada xilka haysa, asxaabta mucaaridka ah iyo dhamaanba inta daneysa hanaanka dimuquraadiyada ee curdinka ah ee Somaliland , si ay caalamka u tusto hanaan hufan oo ka fayow musuqmaasu si loogu soo hirto oo ay tusaale ugu nqoto dalal ka cudud iyo haqaaleba badan oo qaarada Afrika ah iyo caalmaka kaleba ah.

Guntii iyo gabagabadii, waxa lagama maarmaan ah in xukuumadu ay la timaado qorshe lagu soo bandhigaayo isla xisaabta dhab ah, ka hor doorashada si loo ogaado hantida rasmiga ah eek u jirta qasnada dawlada xilligaas iyo mida la filaayo inay soo xarooto ka hor iyo ka diba doorashooyinka la rajeynaayo sannadkan dhamaadkiisa, si dalka looga badbaadiyo boob hanti iyo bililiqasyi sharci daro ah, waana in masuul kasta si dhab ah loola xisaabtamo.

Mahadsanidiin.

Maxamuud Xeef

mohamoud.heef@gmail.com