SOMALILAND: XAGEE LOO SOCODAA? QALINKII: KHAALID ABDILAAHI DUCAALE

 

Akhriste aan adiga ugu horentii ku weydiiyee xagee loo socdaa?  bal saaxiibkaa kugu xiga weydii oo ku dheha xaguu loo  socdaa, Markaa dhabtii aad su’aalo oo ku saabsan jirtaanka qarankan, sababaha loo sameeyay qarankana, geedigiisa, iyo wax uu higsanayo  aad weydiiso hal-doorka, iyo dadka shicibka ah, waxaa dhabtii ku soo baxay jawaabo kale duwan.

Waan soo qaato hadalo ay yidhaahadeen siyaasiyiintii ugu waaweynada dalkeena sida Cabdiraxmaan Tuur (AHN),  Cigaal (AHN)  iyo siyaasiinta kale ee waaweyn oo dalkeenu leeyahay, waxaa dhamaan isku raacee in aasaaskii Jamhuriyada Somaliland aan u mid lahaa ujeed fog ama dheera.

a

Waad  heshaya jawaabta suaasha aan ku furinay qoraalkeena, wali waan ku arkaa wax badan kaga baxsan, aan saafo hadalka si uu ugu dhaco, waxaa la hubaa in umada kasta oo si xeel dheer ugu fikirta, nolosha maalinta ay joogto iyo mustaqbal foga, ee si degan uga fikirta hab-maamul ku fiican, sameystana u jeedo ay u soco iyo higsi dheer oo nolosha ah in aan lumin waligeed. Hadaba akhriste markii qarankee la sameynan malaha waxaa aan soo sheeganay, waxaa ku hanweynaha in aad jawaab waafiya aad hada maskaxda ku hayso.

Hadii aan isku jawaabnahay Qaranka (Somaliland) aynu sameynan waxaa lagu abuuraya si qiiro ku jirto taas oo aan aad loga fikirna sida ugu wanaagsan ee qaranka mustaqbalkiisi noqon doono, sida ugu wanaagsan ee lagu hagi karo, sida wanaagsan ee dadka qabiilada ka kooban u wada noolaan karaan, hogaanku sida uu noqon doono. Iyo weydiimo aad u muhiim ah, in laysa weydiiyo haboon marka la doonaya in la sameeyo Qaran wanaagsan,kaas oo noqoda raandhis .

Hadaba hadii aad la yaabantahay sida uu u socodo dalkeen, waxaa dhab ah in aasaaskiisi uu waxbadan oo qalooca ah ku jiro, hadii aan eegno dastuurka dalka yaala waxaa ku jira qaladaad badan,  kaas oo ragaadiyo horusocod qaranka ilaa intii la sameeyay dib looma eegina,  waxaa jira qaladaaad maamul iyo mid farsamo oo dalkeen lugaha hayo balse ilaa hada ma jirto cid dib u eegto oo wax ka badashay ama hagaajisaya,  qarankeena waxaa ku dhisan yahay nolosha maalinte,  waxaa meesha ku jirina shalay iyo bari.

Labada maalmood ee shalay iyo bari waa laba maalmooda oo umada kasta asteeya waxay soo markeen iyo halkea ay u socdaan hadaba umada aan aqoon badan u lahayn halka ka timada ama aqoon halka ay u socoto waxaa dhab ah in ay lumayso oo ay ku dambayso jahwareer iyo maalin walba jawi cusub.

Ugu dambayntii waxaa soo jeedin lahaa in dalkeena inta haldoorka leh ay isku yimaadaan oo si xeel-dheer loo eego waxaa tahay in qaranka in uu ku sii jro iyo in si wanaagsan loo eego halkii laga yimada waayo wax cad in aan qaran sii jir karni hadii aan la astayna hayaankiisa iyo sida uu ku gaadhi karo himilada uu higsanayo.

QALINKII: KHAALID DUCAALE
TEL: 00252-634111694
TWITTER: @KHDUALEH
WWW.KHDUALEH.BLOGSPOT.COM
HARGEYSA, SOMALILAND

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Fekrada Iyo Qaabka Fahan Ee Qoraalkan Waxaa Iska Leh Qoraaga Ku Saxeexan, Kasbashadiisa Iyo Ka Booditaankiisuna Wuxuu Gaar U Yahay Isla Qoraaga. Marnaba Kama Masuul aha Shabakadda Somalilandtoday.com Balse waxay Shabakaddu Diyaar u Tahay Is Dhaafsiga Rayiga Gacal Wadaaga Ah……..