SOMALILAND: Nuxurka Kulankii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Qaramada Midoobay Ku Dhexmaray Hargaysa

(SLT-Hargaysa)Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silanyo ayaa maanta (31.01.2017) la kulmay Wefti ballaadhan oo ah UN-ta, oo uu hoggaaminayey Peter de Clercq oo ah ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Qaramada Midoobay, ahna isu-duwaha Arrimha Gargaarka Bini’aadanimada.

image

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silanyo ayaa maanta (31.01.2017) Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ballaadhan oo ka socday UN-ta, oo uu hoggaaminayey Peter de Clercq oo ah ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ahna isu-duwaha Arrimha Gargaarka Bini’aadanimada iyo Wakiilka haya’dda UNDP-da. Weftigan culus oo ka koobnaa dhammaan Haya’daha UN-ta iyo Urrurrada Caalamiga ah (International NGO) ee ka hawl gala Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ahaa mid imaanshahooda in muddo ahba la naawilayey.

Kulankan muhiimka ah ee uu Madaxweynuhu la qaatay weftigii ka socday UN-ta oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada, xagga Xukuumadda waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirada Degaanka, War-faafinta, Macdanta iyo Tamarta, Diinta iyo Awqaafta, Wasiiru-Dawlayaasha Madaxtooyada iyo Arrimaha Dibedda, Wasiir-ku-xigeenka Qorshaynta, Afhayeenka Madaxweynaha iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.

Madaxweynaha JSL mudane Axmed Silanyo ayaa ugu horraan u mahad-naqay weftiga Haya’daha Qaramada Midoobay, wuxuuna ku yidhi:

“Mudanayaal iyo Marwooyin, farxad iyo sharaf bay ii tahay in aan idinku soo dhaweeyo Somaliland, waxaanan si mug leh idiinkaga mahad celinayaa booqashada qiimaha leh ee aad ku timaadeen Jamhuuriyadda Somaliland. Booqashadiina in muddo ahba waanu naawilaynay iyo in kulankan maanta inoo qabsoomay uu hore u dhaco, laakiin haddana caano daatayba, dabadood la qabay. Qaran ahaan waxaanu Ururka Qaramada Midoobay uga mahad-naqaynaa taageerada iyo gargaarka aad noo fidisaan iyo yuhuunta ay nagula shaqeeyaan Haya’daha UN-ta ee ka hawl gala JSL. Dhinaca kalena waxaanu dareensanay in aanu u baahanahay gar-gaar iyo taageero ka badan ka ay Hay’adaha UN-tu haatan noo fidiyaan.”

Weftigan ka socday Haya’daha Qaramada Midoobay, ka hor intii aanay la kulmin Madaxweynaha, waxay kulan dheer la yeesheen Guddida heer Qaran ee Gurmadka iyo Taakulaynta Abaaraha, kuwaasoo xog warran dhamaystiran ka siiyey saamaynta iyo waxyeellada ay dhaliyeen Abaaraha ba’an ee ka jira Dalka Somaliland, kuwaasoo duunyo iyo dadba aad u tabaaleeyey. Sidoo kale, Guddida Gurmadka iyo Taakulaynta Abaarahu waxay Weftigii uu hoggaaminayey Peter de Clercq ay si cad ugu sheegeen in aanu jirin waqti la sii sugo ama la sii eegto. Maalin kasta oo Haya’adaha UN-tu ay gar-gaarka bini’aadanimo dib u dhigaanba ay khatar ku tahay dadka ay abaaruhu tabaaleeyeen, kuwaasoo haatan qarka u saaran macaluul iyo dhimasho haddii aan wax laga qaban oo aan gurmad lala soo gaadhin.

Arrinta Abaaraha ba’an ee Dalka ka jira:

Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu weftigii ka socday Haya’daha Qaramada Midoobay iyo Urrurrada Caalamiga ah (International NGO) kala hadlay saamaynta iyo waxyeellada ay dhaliyeen Abaaraha ba’an ee ka jira Dalka Somaliland, kuwaasoo duunyo iyo dadba aad u tabaaleeyey, wuxuuna yidhi sidan:

“Mudanayaal iyo Marwooyin; Sida aaad malaha idinkuba ka war qabtaan, Jam. Somaliland waxa haleelay abaaro aad u ba’an iyo xaaluf ka dhashay roob la’aan iyo isbeddelka Cimilada Caalamka taasoo dhalisay in dadkii iyo duunyadiiba ay halis ku sugan yihiin. Ilaa iyo inta la xassusan yahay, Abaaraha haatan ka jira JSL waa kuwii ugu adkaa ee soo mara dadka Somaliland. Dalkayaga waxaa haatan halis ku jira ilaa (1.5 Milyan) Hal Milyan iyo Shan-boqol oo Kun oo qof. Sida ay xaqiijisay Haya’dda Qaramada Midoobay u qaabilsan raashinka iyo beeraha (FOA) 350,000 oo dadkaa ka mid ahi waxay qarka u saaran yihiin inay macaluulaan, maadaama ayna haysan biyo iyo raashin toona. Roob la’aanta ka jirtay Somaliland saddexdii sano ee ugu dambeeyey waxay sababeen in duunyadii dabar go’do dalagii beerahana la waayo. Abaartu waxay saamaysay guud ahaanba geyiga Somaliland min bari ilaa galbeed, waxase ugu sii daran afarta gobol ee bariga Somaliland. Nafaqo-darrada iyo tabaalaha ka muuqda bulshada ay abaaruhu haleeleen waa kuwo aad u baahsan. Ubadka dhallaanka ah, carruurta iyo dadka waayeelka ama da’da ah waxa soo wajahday taag-darro ka dhalatay nafaqo darro, waxayna qarka u saaran yihiin macaluul iyo dhimasho. Tabaalooyinka kale ee ay Abaaruhu keeneen waxa ka mid ah qoysas badan oo ay dantu ku qasabtay inay kala hayaamaan, oo raggu ay wixii xoolo u hadhay la doontaan meelo fog-fog oo loogu sheegay in xooluhu biyo iyo baad ay ka heli karaan, halka carruurta, haweenka iyo waayeelka gaboobay lagaga guuray degaannadii ay abaaruhu ku haleeleen ”

Madaxweynuhu mar uu weftiga ka socday Haya’daha Qaramada Midoobay kala hadlayey baaqyada is-daba joogga ah ee ay Xukuumadda Somaliland bulshada Caalamka kaga codsanaysay in dadkeeda lala soo gaadho gar-gaar iyo kaalmo bini’aadanimo oo deg-deg ah wuxuu yidhi:

“Laga bilaabo bishii November 2016-kii Xukuumadaydu waxay diraysay baaqyo iyo qaylo-dhaan is-daba-joog ah oo aanu bulshada Caalamka kaga codsanaynay in dadkayaga ay abaaruhu haleeleen lala soo gaadho gar-gaar iyo kaalmo bini’adanimo oo deg-deg ah. Waxaan magacaabay Guddida Gurmadka iyo Taakulaynta Abaaraha oo uu Guddoomiye u yahay M/weyne/ku/xigeenka JSL, guddidaasoo masuul ka ah ururinta qaadhaanka, abaabulka iyo isu-dubbaridka deeqaha iyo u qaybinta raashinka iyo biyaha gobollada ay abaaruhu saameeyeen. Guddidan waxay ka kooban tahay Xukuumadda, Ganacsatada, Culimada iyo Madax-dhaqameedka dalka. Xukuumadda, Goleyaasha Barlemaanka, Ganacsatada iyo Qurba-jooguba si xoog leh ayey uga qayb qaateen Gurmadka iyo taakulaynta abaaraha, taasoo Guddidu ay u sii daadejisey heer Qaran, Gobol, Degmo iyo Tuulaba. Sidoo kale, Xukuumad ahaan waxaanu samaynay dedaallo dheeraad ah si aanu si mug leh uga qayb qaadano qaadhaanka Gurmadka Abaaraha. Mashaariic kala duwan oo hore loogu qorsheeyey xagga horumarinta ayaanu u leexinay xagga abaaraha. Ciidamada kala duwan ee qarankuna waxay ka qayb qaataan gurmadka iyo taakulaynta abaaraha.”

Nasiib-darro, bulshada Caalamka, gaar ahaan Haya’daha kala duwan ee UN-ta iyo Urrurada Caalamiga ah kamaanu helin kaalmo muuqata iyo gar-gaar ay qaylo-dhaankayagii kaga jawaabayaan. Annagu Xukuumad ahaan, intii itaalkayaga ah waxaanu ku dedaalay in aanu abaaulno ganacsatada, ummadda Somaliland (gudaha iyo dibeddaba) oo aanu ku baraarujinno inay ka qayb qaataan gurmadka iyo gargaarka abaaraha. Laakiin, baahida maanta la soo daristay ummaddayada iyo marka la eego xajmiga tabaalaha iyo baahida ay abaaruhu keeneen, lacagtaa aanu ururinay waxay ka dhigan tahay dhibic-biyo-ah oo bedweyn-ku-dhacday.

“Sidaa darteed, gurmadka iyo gar-gaarka Allah ka sokow, waxaanu gar-gaar iyo kaalmo deg-deg ah ka rajaynaynaa Haya’daha kala duwan ee UN-ta iyo Urrurada Caalamiga ah iyo Waddama deeq-bixiyeyaasha sidii nalooga taageeri lahaa abaaraha ba’an ee ka jira Dalka Somaliland, kuwaasoo duunyo iyo dadba tabaaleeyey. Waxaan rajaynayaa in Haya’daha kala duwan ee UN-tu ay garan karaan in aanu jirin waqti la sii sugo ama la sii eegto. Maalin kasta oo aad gar-gaarka dib u dhigtaanba waxay khatar ku tahay dadkayaga ay abaaruhu tabaaleeyeen, kuwaasoo haatan qarka u saaran macaluul iyo dhimasho haddii aan wax laga qaban.”

Madaxweynuhu mar uu weftiga ka socday Haya’daha Qaramada Midoobay iyo Urrurada Caalamiga kala hadlayey saamaynta ay aabaraha baahsani ku yeelan karaan xagga nabadgelyada, xasillonida, koboca dhaqaalaha iyo horumarka taasoo ay Somaliland hiigsanaysay soona dhisaysay muddo ku dhow rubuc qarni, wuxxu yidhi:

“Mudanayaal iyo Marwooyin, Abaahara ba’an ee haatan ka jira Somaliland waxay saamayn taban oo toos ah ku leeyihiin dakhligii ka soo gali jiray Xukuumad iyo shacaba xoolaha nool oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha ee ay bulshadu ku tiirsanayd. Abaaruhu waxa kale oo ay sababeen bara-kac baaxad leh taasoo ay dad badani degaanadoodii ka hayaameen, una baqooleen degaanno durugsan oo dantu ku qasabtay si ay u bedbaadiyaan wixii weli xoolo u sii nool. Hayaankaa habaqlaha ahi wuxuu keeni karaa culays iyo cidhiidhi ku yimaada xagga dhulka, baadka iyo biyahaba, taasina waxay dhalin kartaa iska hor imaad iyo xasilooni darro bulsho.”

Madaxweynuhu wuxuu yidhi: “Abaaruhu waxay keeneen fakhri iyo caydh baahsan oo hor leh oo waajahday bulsho aad u badan oo xoolo-dhaqato ahayd oo run ahaantii iyagu abaaraha ka hor si walba ugu filnaa nolol maalmeedkooda, balse haatan faro-madhan ka taagan boqollaan adhi ama geel ah oo ay lahaan jireen. Arrintan waxaa ka dhalan kara bara-kac, hayaan iyo in degaannadii baaxadda lahaa ee miyiga laga haajiro, loona boqoolo magaalooyinka. Arrintani waxay horseedi kartaa in dad badan oo aan magaalada ku noolaan jirin ay magaalada soo galaan, gaar ahaan dadka da’da yar waxay halis u yihiin inay gacanta u galaan kooxaha dembi oogayaal ah ama xag-jirnimo.”

Guntii iyo gebagabadii kulanka, Madaxweynuhu wuxuu Haya’daha Qaramada Midoobay iyo Urrurada Caalamiga kala hadlay maadaama ay haatan aabaruha soo noqnoqday iyo isbeddelka Cimilada ay noqdeen dhacdo Caalami ah in Jam. Somaliland laga taageero qorshe dhamaystiran iyo hannaankii mustqbalka Aabaraha looga gaashaamn lahaa, loola tacaali lahaa looguna diyaar garoobi lahaa.

Allaa Mahad Leh,

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxtooyada JSL