Somaliland Markay Midaysantahay Cid Kasta Way Ka Libaysata Walise Madaxweyne MBC Kama Hayo Wixii Na Midayn Laha .. .!!

(SLT-Hargaysa)Anigu marka hore Somalilander ayaan ahay, Alle iga dhigay ahaana doona. Wixii waddankaygu qadar alle calaf sado ayaan la wadaagi doona nololi waxay noqotaba..

Qoraalkan kooban waxa igu dhaliyay Nin aanu saxiib nahay oo Mohamed Hagi la yidhaado marna aanu isku rer Midlands ahayn, ayaan akhriyay tiraab uu qoray oo uu aad ula yaabana dhawaaqyo baraha bulshada lagu soo qoraayay, ilaa shalay kuwaas oo ku saabsana Dagaalka dhexmaray Puntland iyo Jamhuuriyadda Somaliland ee xududka. Iyadoo dadka qaar qoraayeen amma Dad badani isku gubaabinaayeen “Annagu Somaliland difaaci mayno una dagaalami mayno”..

Mohamed Hagi saxiib waxaanad ula yaabin inaad maqsho dad leh Somaliland oo Dalkayagii ah difaaci mayno, in badan ayaan ka qayliyay waxa ka dhalan kara qaybsanaantii ololaha ee bulshada hoose u gudubtay dibad iyo gudo . “Dhaxaan Jalaade Dheg Baan Jalaq Laysiin”. Beesha dhexe marka laga yimaado Shir Beeleedkii Baligubadle, Boorame iyo Hargaysa wax lagu doortay wali dhexdeeda may tartamin oo isumay kala hiilin. Iyadoo wali aan la dhammayn doodi darafyada Sool iyo Awdal & Sanaag Bari ayay dhexdiina shuuqday..

Su’aashu waxay tahay Dhamme Mohamed Hagi intaynaan canaanan muwaadinka shakiyay, mays waydiina maxa ka shakisiiyay. Ma Xisbigiisi oo laga badiyaa keenay shakiga qaranimadiisi?! Maya horeba waa loo kal badin jiray doorashada, ma tabasho hore ayaa jirtay oo dacarteedi Dimuquraadiyaddu damaqday,? haa waxba ka jira . Ololihii doorashada Somaliland miyaa la kala dhawaystay? Haa waa la kala dhawaystay… Marka Madaxweynihii soo baxay ma daweeyay dadkii??.. Maya wali ma hayno meel uu ku yidhi wixii iga dhacay aniga ololihii maanta odaygiina ayaan ahaye ka raali ahaada..


Su’aalahaas oo dhan iyo jawabaahaas ku lamaan laysma waydiin intaan la yaab laga muujin halkay gaadhay kala qayb sanaanta shacbigu.. Calankaas aan kor u hayo iyo kii ka horeeyay ee xorriyada lagu keenay ee SNM labadaba xiiso ayaa loo hayay oo lagu dhaliyay guushii xorriyad la soo noqoshada iyo guushi dawlad xasiloon yagleeli deeda.. Maanta dad badan ayaan xiisihii qabin waayo haddii la yidhahadona waa jawaab inoo wadataala sidii loo dhisi laha jacayl cusub oo run ah oo Ummadda Somaliland u dhantahay.. Dad badan ayaa ila yaabi jiray markaan dhawr jeer halkaygan Facebook ku soo qoray “Doorashadii way ina qaybisee dadka dib ha loo mideeyo”.. Waxaan sheegayay maantaba waynu aragnaa midhaheedi walina wax ka qabasho ayaynu awoodna. Kuma dhammaanayso Murashaxii WADDANI Cabdiraxmaan Cirro oo Madaxtooyada lagu qaabilo inta waliba la soo hor fadhiisiyo Xildhibaan Abokor Looge ah iyo Axmed Cabdi Dheere .. Intaas in kabadan ayaa ka dhacday ololihii ee run haddii la doonaayo Madaxweynuhu isagaa odaygi Somaliland ahe hadalo midnimo ah golaha hala yimaado..

Gebo gebadii: Halkay qaybsanaantu gaadhay aniga oo Alle i ogaa wixii dacadnimo iyo dadaal aan doorashadii ku dhisaayay murashaxii Xisbigayga calaf wixii uu siiyayba hadana kkkkkk bahal jeegaan la yidhaahdo oo aan kaba soo horjeeday Anigu ayaa nafta isugu kay keentay oo marba aan arkaaya iyadoo lay raacinaayo. Hadda waa ninkaygii Xisbi yahanka aha.. (Kkkkkkkkk) kama xanaaqo imana dhibto waayo wixii dhacay ayaan ogahay ee waliba Xaafadaydu gaarka u gaysatay bal dhigtii kale ee Jeegantu haba joogto oo iyagu murashax ayay wadeen khalad iyo sax.. Lakiin xaafadaydu isumay tudhin Madaxweynihii, Gudoonkii Guurtida, Suldaankii Guud, kuwii lacagta hayay. Is xulufaysigu wuu jiraa adduunka oo dhan lakiin intii haysay mansabyada ay ahayd in dhex laga noqdo baratanka amma qaybi noqoto dhex dhexaad ileen wixii Ummadda ayay hayeene ayaa dhinac ku wada ciiray saxna may ahayn . Markaas-na ka daaya ayaan anigu laha oo kuma raacsanayn in kasta oo qabyaaladu degaan caasi iga dhigtay.
Dhinaca kale ee uurku guuray waxan iyagana odhan laha kadaaya arrinta Qaranimada ha gaadhsiinina.. Somaliland alle ayaa inagu wada abuuray wax kasta oo khaldamay meel kala tagi mayno..

Maansadii Abwaankii Macalin Gaariye oo Maanta taagan ayaan idnku macasalaamaynayaa..

Gadhlow awr kala guurtey la arkee mar kaleeto in ay ood ku kulmaan haduu uur kala guuro
sow amuur culus maaha ololihii halgankeena Cukusoow arah guulka dhib waxaan u adkeystay
waxaan is-lahaa mar uun baad arligaagiyo
iyadoon faqash joogin kula iidi dadkaadee
kolkii waagu iftiimay sidaan ahay Ina dhoore
usarkaan ka dhex toosay indha u daranaa..

Tusan
Muniir Axmed Cigaal