“Somaliland  Ka Suurto-gali  Mayso In  Laba Reer Ku Heshiiyaan, Haddii ay Taasi Dhacado Somailand Inaga Duuduuba Oo Aynu Soomaaliya Wax La Qaybsano” Faysal Cali Waraabe

Faysal Cali Waraabe Oo Adag u Dhaliilay Shir Beeleedkii Burco, Xukuumadana Dhaliilo Ujeediyey

Hargeysa (Somalilandtoday)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa si adag u dhaliilay shir beeleedkiii dhawaan ka dhacay Burco ee u dhexeeyey beelaha Habar-jeclo iyo habarawal.

Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey in doorashadaa madxtooyadu u dhici donto sidii loogu tao galay, waxaana uu sheegay in haddii ay sidan ku sii socoto aan natiijadeeda la aqbali karin, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“waxaan ka xumahay shirka Burco wuxuu ahaa id ay dawladdu dabada  ka wado oo belaysan, taasina waxay keenaysaa in dadku Somaliland naco, Somaliland ka suurtogali mayso in laba reer ku heshiiyaan oo  ay sidii hagbadda igu si dhiidhiibaan oo ay yidhaadaan maanta waa idinka haddii ay taasi dhacdo inaynu Somaliland iska duuduubno ayay noqonaysaa oo aynu Soomaaliya wax la qaybsano  intii aynu inagu isdili lahayn”

Sidoo kale Faysal Cali Waraabe ayaa xisbigiisa ku tilmaamay xisbiga qudha ee qabyaalad ka madhan “doorashada wixii ka soo baxa waanu aqbalaynaa horena waan u aqbali jiray laakiin waxaan u arkaa in doorashada horteedba qalaalase dhacayo haddii qabyalad la isticmaalo oon siyaasad la isticmaalin, waad aragtaan oo xisbiga maanta daka midayn karayaa ee lagu baxsan karaa waa xisbigayaga iyo murashixiintayada” ayu yidhi guddoomiye Faysal.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday