Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Ka Wada Hadlay Khilaafka Ka Soo Cusboonaaday Maamulka Hawada

Hargeysa (Somalilandtoday) – Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadlay Muranka ku saabsan Maamulka hawada ee maalmihii u dambeeyay cirka isku shareeray.

Sida uu saxaafadda u sheegay Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, labada dhinac ayaa ka wada hadlay khilaafka ka soo cusboonaaday Maamulka hawada, taasi oo ay keentay dedaallo ay dawladda Soomaaliya ku doonayso in Maamulka hawada loo gacan geliyo. Waxayna Somaliland sheegtay inay sidoo kale arrintan ay kala hadleen hay’adda ICAO, una sheegeen inay tallaabo qaadayaan haddii Soomaaliya ka baxdo heshiiskii laga gaadhay Maamulka Hawada.

somal-iyo-soland1

Wasiirka arrimaha dibadda, oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Arrinta hawada ku saabsan, waxaanu kala hadalley Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo Turkiga, Soomaaliya haddii ay ka baxdo hawshii aanu ku heshiinay, tallaabo ayaanu ka qaadanaynaa, arrintaana waanu ka wada soconaa wasiirka Duulista Somaliland”

Wasiir Biixi, waxa kale oo uu sheegay “Arrintanna waanu kala hadalley dawladda Xamar iyo ICAO” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Arrinkaasina wuu dhammaan doonaa”

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, muu sheegin inay muranka hawada kala hadleen Madaxweynaha Soomaaliya iyo wasiirka gaadiidka dalkaasi.

Hasa-yeeshee, waxa muuqanaysa in dawladda Soomaaliya doonayso in aanay burburin wadahadallada u socda labada dhinac, inkasta oo dawladda Soomaaliya u muuqata in aanay daacad ka ahayn wadahadallada iyo heshiiskii laga gaadhay Maamulka Hawada.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

contact@somalilandtoday.com