Somaliland Iyo Saldhig Millateri Carbeed Qalinka: Muuse jaambiir…….Qaybtii 3aad

“Imaaraadku waxay dagaal kula jiraan qolladan Yemen dee Masaaridu kuma jirto”

“Colaad toos ah oo ka dhaxaysa Yemen iyo  Imaaraadka ma ogin, ciidamo Imaaraadku leeyihiin oo intay Somaliland ka duullaan Yemen ku duulayaanna ma jirto”

Warbaahinta caalamka ee ka hadashay saldhigan iyo waxyaabaha ay ka yidhaahdeen khubaradda ka hadashay  iyo kuwa wax laga waydiiyay, waxay u badinayaan in aanuu Imaaraadku keli ku ahayn saldhigan, balse ay ku metelaan bahda kale ee carbeed ee dagaalka kula jirta Xuutiyiinta Yemen, isla markaanna ay isfaham ka leeyihiin Maraykanka iyo saaxiibadda kale sida Ingiriiska. Dhawr ujeeddo ayaa loo badinayaa in isticmaalku ku salaysnaan doono. Ta koowaad xulafadda khaliijka ee dagaalka kula jirta Xuutiyiinta Yemen  waxay u isticmaali karraan  dagaalkaa. Ta kale, waxay  u adeegsan karraan  ilaalinta amaanka marinka mashquulka badan ee Baabul Mandab si aanay  Xuutiyiintu wax ugu dhimin. Midda sadexaad, awoodda soo kordhaysa ee Iiraaniyiinta oo dagaalka Yemen daraf ka ah lana safan Xuutiyiinta, ayaa iyana ah cabsi huwanta  khaliijka midaysa oo ku kelifaysa inay buuxiyaan goobaha istaraatiijiga ah ee mandaqadda, si ay isaga caabiyi karraan cadawgooda. Haddii Imaaraadku hanti badan gelinayo Berbera oo uu doonayo inuu damaanad qaado amaanka maalkiisa waa mid kale oo ka mid noqon karta baahiddooda saldhiga siday xukuumadduba qabto.

Marka arrimahaa laga duullo, waxay arrintu u dhacaysaa in isticmaalka saldhigu khusayn karro ciidamadda isbahaysiga dagaalka kula jirra Xuutiyiinta Yemen iyo gargaarayaashooda. Qoddobadaa iyo qaar kaleba qayb bay ka noqon karraan isticmaalka, balse aan eegno jawaabta xukuumadda ee arrimahaa ku wajahan.   Qoraalkii nuxurka heshiiska lagu sheegay ee golayaashu ansixiyeen waxa ku cad; in saldhiga uu isticmaali karro oo keliya dalka ay Somaliland heshiiska kula gashay oo ah Imaaraadka carabta, isla markaanna aanuu isticmaali karrin dal kale oo aan ogolaansho ka haysani. ” Yemeni waa dawlad aynu derisnahay oo biyo inoo dhexeeyaan, colaad toos ah oo ka dhaxaysa dalka Yemen iyo dalka Imaaraadka ma ogin, ciidamo Imaaraadku leeyihiin oo intay Somaliland ka duullaan Yemen ku duulayaanna ma jirto” sidaa waxa yidhi  Afhayeenka Madaxtooyadda oo ka hadlay arrimaha saldhiga. Dayr hadalkiisu wuxuu u dhacayaa in aan saldhiga Berbera lagaga duulayn Xuutiyiinta Yemen, isla markaanna aanay colaadi ka dhaxayn UAE iyo Yemen. Ma odhan karro Afhayeenku lama socdo waxa dhacaya, waxse ay u eg tahay in difaaca saldhiga millateri halkaa la maray, waayo, badi masuuliyiinta xukuumadda mid kastaaba meel buu ka hadlay, balse ka hadle kastaba hadalkiisu wuxuu iftiiminayay  xogta uu ka hayo arrinta uu ka hadlayaa inta ay le’eg tahay.

Sidoo kale Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Baashe Cawil oo lagu tilmaamo masuulka ku sawiran saldhiga millateri keenistiisa, mar uu ka hadlay waraysi uu siiyay telefishanka Hctv wuxuu ku yidhi; “Dadku waxay aad uga hadlaan Xuutiyiin baa lagu duullayaa, arrimo kallaa la samaynayaa, arrinkan Xuutiyiinta lagu duullayo iyo dagaalkan Yemen ka socda, waqtiga la dhameeyo arrinka saldhiga, arrin iska dhamaanayuu noqon doonnaa.” Baashe wuxuu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi;  “Imaaraadkaynu heshiiska la galay, qodobadda aanu kula heshiinay waxa qayb ka ah iyaga mooyee in aanay dawlad kale oo aynaan u fasaxini aanay isticmaali karin madaarka. Qolyaha leh Masar baa ku jirta hawshan waxaan u sheegayaa, horta Imaaraadku wuxuu joogaa Casab, Masar la joogta Casabna ma jirto. Waxay Imaaraadku dagaal kula jiraan qoladan Yemen dee Masaaridu kuma jirto.”

 Dabcan; Masar kama mid aha golaha Khaliijka, misana kama durugsana oo danno ay difaacoodda ka midaysan yihiin ayaa ka dhexeeya, walow oo haatan ay u muuqato in danahoodu is khilaafsan yihiin Masar iyo Sucuudiga oo ah dalka ugu tunka wayn Khaliijiyiinta. Sucuudigu wuxuu heshiis saldhig millateri la galay Jabuuti,  Ereteriyana mid buu ku leeyahay, halka Imaaraadkuna uu mid ku leeyahay Ererteria ka Berbera ka noqonayo kii labaad ee ay ku yeeshaan geeska Afrika, isla markaanna Imaaraadka waxa millaygan maanta lagu tilmaamaa Galaydhka  Ingiriiska iyo Maraykanka ee Khaliijka,  Masarna  waa saaxiibo aad isugu dhaw. Markaa tartanka danuhu meel isma taago, meelna kuma waaro oo laba kasta waxay saaxiibtinimaddoodu jiraysaa inta dantoodu ku jirto. Mareegta  Alleastafrica warbixin ay faafisay feb.2017 waxay ku sheegtay,  wefti todobadda xubnood ahaa oo ka socday Masar oo Hargeysa yimi April.2016 ay metelayeen  xulafadda carbeed, magaaladda Hargeysana ay kula kulmeen Madaxweyne Siilaanyo, isla markaanna  ay u jeediyeen inuu dawladda Imaaraadka la bilaabo wadahadal ku wajahan siduu uga kirayn lahaa saldhig millateri. Warkaa oo shabakadaasi sheegtay inay ka soo xigatay masuuliyiin dalbaday in aan magacooda la sheegin wuxuu intaa ku daray; in  wadahadal ay la wadeen madaxda Imaaraadka carabtu uu aakhirkii sababay in ay heshiiyaan labada dhinac.

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi  waxa Isna badheedhihiisii mawduucan ka mid ahaa oo uu yidhi; “Waxaanu la jeenni nahay oo la jaal nahay wadamadda isbahaysiga carabta ee sunniga ah, laba labayn mayno anagu fariiqadda shiicada ma nihin ee waxaanu nahay fariiqadda sunniga ah, umaddani waa sunni, markaa imikaba dhex ma nihin ee dagaalka qayb baynu ka nahay, dagaalku maaha ka gacantoo keliya, waa arrin caqiido salka ku haysa ayaanu aaminsanahay. Waxaanu la jaal nahay wadamaddaa, Imaaraadkuna waa ka mid kuwa aanu la jaalka nahay, Xuutiyiinna ka biqi mayno.” Afhayeenku wax buu inoo sheegay, Wakiilku wax buu inoo sheegay, Wasiirkuna wax buu inoo sheegay, masuuliyiin kale oo ka hadashayna waxbay sheegeen, balse sadexdan ayaa tusaale inoogu fillan.

Wasiirka Maxamauud Xaashi warkiisu waa cad yahay, oo Somaliland waxay la safantay Isbahaysiga Carabta ee Sunniga ah. Isbahaysiga Carabta iyo huwanta Khaliijku waa laba. Isbahaysiga carabtu wuxuu ka soo jeeddaa ururka jaamacadda carabta oo ay ku wada jiraan dalalka Khaliijka iyo kuwa kale ee carabta ahi, markaa isbahaysiga Carabtu eray ahaan wuxuu u taagan yahay huwanta carbeed ee Sunniga ah ee dagaalka kula jirta Shiicadda Yemen iyo Iiraan. Laakiin, marka la yidhaahdo xulafadda Khaliijka, waxa la tilmaamayaa golaha iskaashiga dalalka Khaliijka ee ku jirra dagaalka Yemen  oo keliya. Khaliijka waxa horjooge u ah Sucuudiga awood ahaan, marka Carab la yidhaahdona waqtigan Masar meel loo dhaafi maayo calan walaynteedda. Hadday sidaa tahay, meesha ma laga saari karraa tuhunka ah in Masar qayb ka noqon karto isticmaalayaasha saldhiga?

Male kasta iyo suure kasta mala awaalkiisu ma sii waaro haddaanuu run ahayn, balse ma dhimato  odhaahda ka soo yeedha masuul khaadim umaddeed ah, run iyo been ta ay tahayna Isagay sumad u noqotaa markay xaqiiqdeedu suganto. Sidaa darteed, haatan isa seegga iyo is khilaafka hadaladda mawduucan ku saabsan ee madaxda xukuumaddu meesha ma ka saarayaan tuhunka iyo shakiga dadka dhaliilaya saldhigu qabaan, mise way sii xoojinayaan?

 Sedka iyo saamaynta saldhiga…..la soco cadadka dambe