Somaliland: Idaacadii VOA-da Oo Hawada Ka Baxday & Wasiirka Warfaafinta Oo Sheegay In Dib Loo Eegayo Heshiiskay La Gashay Xukuumada.

(SLT-Hargaysa)- Idaacada ku hadasha afka  maraykanka ee VOA-da ayaa guud ka baxday hawada  Somaliland ,lamana garanayo sababta hawada ka sartay idaacadaasi balse shacabka somaliland ayaa qaylo dhaan xoogan ka muujiyay warar aan dheeli tirnayn  oo u janjeedha dhinaca somalia  laguna aflagaadeeyo gooni isutaaga somalilnd oo idaacadani caadaystay .

voa-somali-service

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta JSL Md: Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo wax laga waydiiyay ayaa ka gaabsaday in Xukuumadu hawada ka saartay idaacadaasi ,waxanu wasiirku sheegay in dib loo eegi doono heshiis yada ay xukuumadu la gashay idaacadaasi  kadib markii sida uu wasiirku sheegay qaylo dhaan xoogani ka soo yeedhay shacabka Somaliland waxanu yidhi “Waa Runtaa idaacadasi (VOA)qaylo dhaan baa ka soo yeedhaysa shacabka laakiin heshiiskii aanu la galnay ayaanu dib u eegaynaa ”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta JSL

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@somalilandtoday.com