Daawo Golaha Wakiilada Oo Duudub Ku Ansixiyay Xayn Wasiiro Ah .

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa saaka duuduub ku ansixiyay hormadii koowaad ee golaha wasiirada Somaliland. Fadhiga golaha wakiilada oo ay saaka ka soo xaadireen 61 xildhibaan ayaa cod gacan taag ah loogu codeeyay wasiirada taas oo wasiir walba markiisa gacanta loogu taagayay inta ogol iyo inta diidanba la xaadiriyay.

Golaha wasiirada Somaliland ee saaka la ansixiyay ayaa ka koobnaa toban Wasiir iyo laba wasiir ku-xigeen.

Waxaanay kala ahaayeen wasiirada iyo wasiir ku-xigeenada saaka la ansixiyay sidan:-

Wasiirka Beeraha Axmed Muumin Seed

Wasiirka Boostada & Isgaadhsinta Dr. Cabdiwali Sheikh Cabdillahi Jibril

Wasiirka Howlaha Guud Cabdirashid Xaaji Ducaale

Wasiirka Arimaha Bulshada Hinda Jaamac

Wasiirka Diinta & Awqaafta Sheikh Khalil Axmed

Wasiirka Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali  Koore.

Wasiirka Caafimadka Dr. Xasan Ismacil Yusuf Warsame

Wasiirka Xananada Xoolaha & Kaluumeysiga Xasan Maxamed  Gaafadhi

Wasiirka Horumarinta Maaliyada Yusuf Maxamed Cabdi Raage

Wasiirka Waxbarashada Yaasin Xaaji Maxmuud Xiir “Faratoon”

Wasiir ku-xigeenka wasaarada Warfaafinta Maxamed Muuse Abees

Wasiir ku-xigeenka xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga Yurub Abiib.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office