Somaliland Diinkeedu Wuu Ka Caqli Badanyahay Mid Jooharad Mas Liqa

Inkastoo Madaxweyne Biixi yidhi halla joojiyo mashquulka Shabakadaha iyo Mobiladan la salaaxayo,Diinka Somaliland,sida Diimanka kale ee Aduunka ku filiqsan waa mid aad u gaabiya hadaanu ahaynba kan 7aad ee ugu gaabiya Xayawaanka illaahay abuuray,hadaba Diinka Soomaliland wuu ka caqli badanyahay kan Soomaaliya,waxaa la sheegayaa in Diinka Soomaaliya intuu isu miskiiniyo Maska oo biyo ma daadshaan iska dhigo inuu eedyar liqo Jawharada,dabadeedna intuu lugaha iyo qoorta qarsado uu is bakhtiiyo,Jawharadda waxaa lagu sheegay in Maska Gaboobay markuu indho beelo uu habeenkii debeda soo dhigto si uu wax ugu iftiinsado.

Diinka Somaliland laba arrimood awgeed baanu u liqin Jawharadda Maska,mar waa Maska oo uu ogyahay inuu

sida Gujiska ciida hoosteeda kagasoo bixi karo,dabadeedna Albaabbada furan ee Diinka xagiisa hoose kasoo geli karo,marna waa isagoo ogsoon dheeraynta Maska iyo Diinka oo intuu cago jiid ka qabo markuu barbaarka qooqan yahay ku ordi kara 0.19 miles saacaddiiba.Dadku waxay socon karaan illaa 3 mayl saacaddiiba,hadaanay S-tii hore oo intaa ka badan lugayn karta ahayn.

Diinka Somaliland waa mid ay aad u jecelyihiin oo lagu dacaayadeeyo inuu xidhiidh gaar ahi ka dhexeeyo qaar ka mid ah dadka dega Gobolada Bariga Somaliland,gaar ahaanna Beel ka mid ah Beelaha xuduntoodu tahay Gobolka Saraar.Khubaro reer Caynaba ah oo aan ka waraystay,waxay ii sheegeen inaanay weligood arag sida kuwa Soomaaliya Diin Mobilka bakhtiiya ama Biro ka laalaadaan sida Birlabta.

Waxay intaa iigu dareen in Diinka Soomaaliya ee la sheegayo inuu Jawharadda ka liqo Maskan dheereeya,marka caqliga Diinkaa la eego uu la mid noqonayo caqliga Soomaalidii Maraykankii colaadda iyo gaajada uga soo gurmadey ku laysay Muqdisho ee haddana doonaysa inay Dowlad dhistaan.”Nin gu’ kaa weyni il guruxeed kaa weyn”.

Bashiir Tarabbi Oogle,

bogleh69@gmail.com