SOMALILAND: Caroogga Warbaahinta Qaranka Iyo Casabad  Isku Ardaa Ah Oo Cudhahaysta Tv-ga Qaranka, Radio Hargeysa Ilaa Wargeyska Dawan.

Muunadda Muuraayadda  Qaranka  Somaliand Iyo Muuqaalka Dhabta Ah Ee Ay Leedahay Maanta Wasaaradda Warfaafintu

Hargeysa (Somalilandtoday)- Wasaarada War-faafinta Qaranka Somaliland, ayaa dhammaaba masuuliyiinta kala duwan ee xilalka wasaaradaa hayaa ay yihiin kuwo isku hal beel kasoo jeeda,taasi oo dhaawac ku keeni karta somaliland, madaama ay wasaaradu tahay muraayada qaranka Somaliland laga dheeh-do.

Madaxweyne Biixi ayaa wasiirka War-faafinta u magacaabay Cabdiraxmaan  Guribarwaaqo oo hayb ahaan ay Madaxweynaha isku beel-yihiin,  iyadoo ay hore usii hayeen xilalkan kala duwan ee  wasaarada War-faafinta masuuliyiintan ay magac-yadoodu hoos ku xusan-yihiin oo ilaa hadda xilalkooda haya

Mareeyaha Tv-ga Qaranka Khadar Cakule

Guddoomiyaha Wargeyska Dawan Sayid

Agaasimaha Radio Hargeysa  Maxamed Siciid  Muxumed .

Muuqaalkan, ayaa ah ka dhabta ah ee ay leedahay maanta Wasaaradii  War-faafinta Qaranka Somaliland,waxaana xusid mudan in ay dhammaaba masuuliyiinta ugu saraysa ay kasoo wada jeedaa isku halbeel oo qudha.

Dhanka kalene siyaasiyiinta falaqeeye arrimaha siyaasada Somaliland,ayaa  sheegay in ay fool-xumo weyn ku tahay Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay wasaaradii war-faafinta Somaliland ay wejigaa yeelato, iyagoo ugu baaqay Madaxweynaha inuu talaabo qaado deg deg ah.

Geeta kalena Madaxweyne Biixi oo la filayey inuu seefta la dhex-qaado wasaaradan War-faafinta,  ayaa umuuqda  mid indhaha ka lalilanaya, isla markaana ka  meer-meeraya.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday