SLT-Sports:Waa Kuma Kabtanka Labaad Ee Manchester United? Louis Van Gaal Ayaa Ka Jawaabaya

{Hargeysa-SLT}-Tababaraha kooxda Manchester United Louis Van Gaal ayaa dib u habeeyay maamulka kooxdiisa kadib markii uu kabtanka labaad ee kooxda u doortay Michael Carrick.

Kabtanka labaad ee kooxda waxaa ahaa Daren Fletcher, kaas oo tan iyo bishii August dhaawac ahaa, balse haatan waxaa dib waxey kooxda u heshay Carrick oo lixdii kulan ee ugu dambeysay oo uu kooxda u saftay aysan kooxda guuldaro la kulmin.

“Waxaan leeyahay sadex hogaamiye” Ayuu yiri Van Gaal, “Waxeyna isugu xigsanayaan sidan: Rooney, Carrick & Fletcher”

Ka hor kulanka ay maanta wajahayaan Aston Villa ayuu tababaraha reer Holland ka dhawaajiyay go’aankiisa walow Robin Van Persie uusan qorshaha ku jirin.

“Carrick wuxuu leeyahay qibrad heer sare taasoo kooxda wax badan u faa’ideyn doonta” Ayuu yiri LVG.

“Wuxuu u gudbin karaa ciyaartoyda falsafadeyda inta lagu jiro garoonka”

Dhanka kale Carrick ayaa kooxda ka caawiyay inuu adkeeyo daafaca dambe iyo khadka dhexe labadaba waxaana xidigaan uu aad u anfacay falsafadda daafaca ku dhisan ee tababare Louis Van Gaal.

Ugu dambeyntii Louis Van Gaal ayaa raadinaya guushiisii 7-aad oo xiriir ah madama uu guul gaaray lixdii kulan ee ugu dambeysay horyaalka.

 

 

 

SomalilandToday.Hargeysa Office