SLT Sports: Ronaldo Oo Messi Ku Garaacay Codayn Uu Sameeyay Tv-ga Sky Sports Ka Hor Kulanka Real Madrid Iyo Barcelona & Qodobo Kale

(SLT-Spain)-Cristiano Ronaldo ayaa loo aqoonsaday laacibka ugu fiican aduunka kadib markii uu helay dhibcihii ugu badnaa ka hor kulanka sabtiga ee El-Clasico.

Sky Sports qaybteeda Laliga ayaa samaysay codayn ah waa kuma laacibka ugu fiican aduunka: Ronaldo mise Messi?.

 Messi-Ronaldo

Ronaldo ayaa helay 69% halka Messi uu helay 31% waxaana si wayn u muuqday in Ronaldo uu ku garaacay Messi codayntii Sky Sports.

Cristiano ayaa ku guulaystay xidiga aduunka ee 2013 wuxuuna Real Madrid la qaaday champions League halka uu sanadkaan hogaanka u haayo gool dhalinta horyaalka Spain.

Waana sababta keentay in daawadayaasha kubada cagta ay u codeeyaan Ronaldo inuu yahay laacibka ugu fiican aduunka ka hor kulanka El-Clasico.

El-Clasico: Kooxdee Dhinaca Dhulka Loo Dhigi Doonaa Real Madrid Vs Barcelona?

Real vs Barca

Waxaa Sabtida ay indha caalamku ku soo wada jeedsan doonaan Santiago Bernabue marka ay geesaha isla galaan Real Madrid iyo Barcelona. Real Madrid ayaa Bernabeu ku qaabili doonta kooxda ay aduunka ugu colsan yihiin ee Barcelona, waa kulankii ugu horeeyay ee ay xili ciyaareedkan wada yeeshaan labada kooxdood ee Madrid iyo Barca.

Kulankan ayaa la filayaa inuu noqon doono kulankii abid ugu xiisaha badnaa ee ay labada kooxood iskaga horyimaadaan, waxaana jira waxyaabo si gaar ah u macaanayn doona kulanka Clasico ee sabtida. waxbadan ayaan ka soo hadalnay waxayaabaha laga filan karo kulankan.

Haddii aan si kooban u eegno kulanka Sabtida, waxay labada kooxood iska hor imanayaan inaygoo labaduba ku jira qaab ciyaareed il qabad leh isla markaana ay soo guulaysteen kulamadii Champions Leaquega. Real Madrid ayaa guusheeduu ugu horaysay ee ay abid ka gaadho Liverpoool 3:0 ugu soo guus goysay halka Barcelon ay 3:1 ku garaacday kooxda Ajax.

Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa madax iskula jira iyagoo todobaadkan doonayay inay jabiyaan rekoodhka gool dhalinta Champions leaqeuga kaas oo uu haysto Rual. inkasta oo ayMessi iyo Ronaldo midkiiba hal gool dhaliyay kulamadii talaadadii iyo Arabacadii ee Champions Leaquega ayay haddana inay redhookaas jabiyaan ku qaadan doontaa inay sugaan kulamda Champions Leaquega ee soo socda. Ronaldo ayaa 70 gool leh wuxuuna hal gool u jiraa Raul halka Messi uu leeyahay 69 gool. Messi ayaa sidoo kale kulanka sabtida doonay inuu jabiyo rekoodhka gool dhalinta ee horyaalka Spain.lionel_messi_vs_cristiano_ronaldo

James Rodgriguez, Toni Kroos, Luis Suarez, Ivan Rakitic, Jaremy Mathieu iyo Claudio Bravo ayaa kulanka Sabtida uu noqon karaa kulankoodii ugu horeeyay ee ay ciyaaraan Clasico waa hadii ay ka qayb qaataan kulanka Sabtida.Suarez vs James and Kroos Vs Rakitic

Luis Enrique ayaa markii ugu horaysay isagoo tababare ah ka hor iman doona Real Madrid, waxaana la eegidoonaa qaab uu ku wajaho Carlo Ancelotti iyo kooxdiisa Real Madrid.Carlo vs Luis

Real Madrid ayaa ka walwalsan dhaawaca Gareth Bale iyo Ramos, waxayna samayn doonaan waxkasta oo ay labadan ciyaartoy taam ugu noqon karaan kulankan, balse Bale ayaa la sheegayaa inuu kulankan seegi doono. Barcelona ayaa hubin doonta taam ahaan shaha Sergio Busquets oo seegay labadii kulan ee Barcelona ugu danbeeyay.

Rodgers Oo U Digay Mario Balotelli.

Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa si faah faahsan uga hadlay xaalada Mario Balotelli wuxuuna u muujiyay digniin si toos ah looga dareemayo hadalkiisa.

Rodgers ayaa ku bilaabay hadalkiisa “Mario waa laacib wanaagsan, lakiin ulama dhaqmayo si kaduwan sida laacibiinta kale aan ula dhaqmo, wuxuu lamid yahay qofwalba oo kooxda jooga”.

“Waan jeclahay laacibiinta sida layaabka leh u jarta tinta, waana ka helaa laacibka daryeela tintiisa oo xidha kobaha kalarka leh, lakiin hadii aanu waxna ku soo kordhinayn kooxda suuro gal mahan inaan jeclaado oo aan ku tirsanaado mar walba”.

“Waxaan nahay koox isku duuban oo si wada jir ah u shaqeeya, waxaan sidnaa magaca kooxda Liverpool sidaas darteed laacib walba waa inuu sidaas ogaadaa waana inuu ka fiirsadaa waxa uu qabanayo ka hor inta uusan samayn”.

“Balotelli si wanaagsan ayuu u ciyaarayaa, wuxuuna soo bandhigayaa dadaalkiisa kama danbaynta ah, waqtibadan kadibna waala arki doona wax qabadkiisa garoonka, wuxuu isku dayaa inuu iska hagaajiyo dhamaystirka weerarka marka lagu guda jiro tababarka”.

“Lakiin kuma raacsani wixii uu sameeyay markii ay soo dhamaatay qaybtii hore, waxaana aaminsahanay inuu ku jiro xaalad aan wanaagsanayn waqtiyadii u danbeeyay, waa suuro gal in uusan nalasii joogin xiliciyaareed ka danbe sidaas darteed waa inuu dadaal dheeraad ah la soo baxaa kulmada soo socda si uu u sii joogo kooxda”.

“Kama helin wixii uu sameeyay, suurogal mahan waxaas oo kale inay ka dhacaan Anfield, waa inuu ixtiraamaa caadooyinka wadanka uu ku noolyahay, gaar ahaan isagoo matalaya koox wayn oo Liverpool ah”.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday