SLT SPORTS: Van Persie Oo Guuldarro Ka Badbaadiyay Kooxdiisa Manchster United.

(SLT-Manchester)-Kooxaha Man United iyo Chelsea ayaa kulankii xiisaha lahaa ee aadka u adkaa ee ku dhexmaray Old Traffrod dhibcaha ku qayb saday. Van Persie ayaa kooxdiisa United ka badbaadiyay guul daro ka soo gaadhi lahayd kooxda Jose Mourinho kadib markii uu  Red Devils u dhaliyay goolka barbaraha daqiiqadii ugu danbaysay ee waqtiga dheeriga ah. Drogba ayaana Chelsea u dhaliyay goolka ay  guusha kaga raadinaysay United.

vanpersie

 

Man United ayaa gurgeeda Old Trafford ku soo dhawaysay kooxda horyaalka hogaaminaysa ee Chelsea. United ayaa ku fikiraysay inay guul mihiim ah ka gaadho kooxda Jose Mourinho ee Chelsea halka ay Chelsea dhinaceeda ku hamiyaysay inay saddexda  dhibcood ka soo qaadato Man United maadaama oo ay ku jirtay xili ciyaareed ayna qaab ciyaareed fiican ku bilaaban.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan oo ahaa mid aad u adag isla markaana ay labada kooxood ku soo bandhigeen awoodooda ciyaareed ayaan qaybtii hore ee ciyaarta wax goolal ah layka dhalin.

Van Persie ayaa helay laba fursadood oo aad u fiican balse  goolhayaha Chelsea ee Thibaut Courtois ayaa fursadahaa kooxdiisa Chelsea ka badbaadiyay.Van Persie2

Ivanovic ayaa ku dacwooday in Smalling uu rekoodhe ku galay balse garsooraha ciyaarta P. Dowd ayaa sheegay inuusan rekoodhe ahayn, qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay barbaro gool la’aan ah.Ivanvic

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee icyaarta ayay Chelsea ciyaarta ku soo laabtay iyadoo dardar xoogleh ku socota waxaana u suurto gashay inay daqiiqadii 53 aad hogaanka ciyaarta u qabato. Didier Drogba ayaa ilbidhiqsiyo yar kadib markii uu De Gea fursad fiican ka badbaadiyay Hazard goolka furitaanka kooxdiisa Chelsea u dhaliyay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Chelsea hogaanka kula wareegtay.Drogba

Waa goolkiisii kowaad ee Drogba horyaalka ingiriiska ka dhaliyo tan iyo markii uu xagaagii dhawaa dib ugu soo laabtay kooxdiisii hore ee Chelsea oo uu muddo ka maqnaa.

Cesc Fabregas ayaana Drogba ka caawiyay inuu kooxdiisa goolka u dhaliyo, taas ayuu micnaheedu yahay inFabregas sagaal gool  oo ay Chelsea dhalisay uu ku luglahaa, sideed gool ayuu caawiye ka ahaa halka uu kan sagaalaadna isagu lugtiisa ku dhaliyay.Fabregas

Intaa wixii ka danbaysay ayay Manchester United dadaal wayn u gashay inay iska soo celiso goolka ay Chelsea uga hormatay, daqiiqadii 80 aad ayayna ku sigay inay keensato goolka barbaraha kadib markii uu luke Shaw kubbad fiican siiyay Van Perie balse fursadaasi may noqon tii ay Man United ku keensan lahayd goolka barbaraha.

Si kastaba ha ahaatee Robin van Persie ayaa u barbareeyay  kooxdiisa Man United daqiiqadii ugu danbeysay ee waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta.! United ayaa dadaalkii ugu badnaa samaysay 15 kii daqiiqo ee ciyaarta ugu danbaysay, waxayna dadaal badan u gashay inay Old Trafford  Chelsea kaga reebato hal dhibic oo aad muhiim ugu ahayd.

Branislav Ivanovic ayaa dhamaadkii waqtiga dheeriga ah  ciyaarta laga saaray  kadib markii uu qaatay kaadhka labaad ee digniinta ah intii ay ciyaartu socotay,waxaana Man United loo dhigay laaga xorta ah.Ivanvic

Di Maria ayaana u soo tuuray United kadib Courtois ayaa markii hore Fellaini fursada ka badbaadiyay balse Van Persie ayaa markan kooxdiisa culayska ka dulqaaday  sidaana wuxuu ku keenay goolka barbaraha ee neefta ka soo saaray United.Manchester United v Chelsea - Barclays Premier League

Ugu danbayn ciyaart ayaa ku soo dhamaatay barbaro 1:1 ah. Van Persie ayaa kooxdiisa Manchester Unired ka badbaadiyay guul daro ay muddo xasuusnaan lahayd waxayna sidaa ku heshay hal dhibic oo ay ugu dagaalantay gurigeeda Old Trafford.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com