SLT SPORTS: Shirkii Jaraa,id Ee Van Gaal Uu Qabtay Ka Hor Kulanka Chelsea Oo Kooban Iyo Qodobo Kale.

(SLT-Manhester)-Tababaraha kooxda Man United Louis Van Gaal ayaa qabtay shirkiisa jaraa,id ee ka hor kulanka Chelsea ay marti qaadi doonaan maalinta axada.

Van Gala ayaa sheegay in Di Maria uu diyaar u yahay kulanka Chelsea sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in Ander Herrera uu isna diyaar u yahay kulankaas.

 Van-Gaal (2)

Tababarahaan ree Holland ayaa si wayn u amaanay caawiyihiisii hore ee Jose Mourinho kaas oo wata kooxda Chelsea wuxuuna sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu arko Mourinho oo horyaalo kale koobab ka qaadaya.

Louis ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Di Maria diyaar ayuu u yahay kulanka Chelsea sidoo kale Ander Herrera isna waa diyaar inuu ciyaaro kulan kaas”.

“Waan ka xumahay inaysan soo laaban laacibiinta kale ee dhaawaca nooga maqan”.

“Chelsea waxay ka midtahay kooxaha aadka u fiican, Mourinho wuxuu la joogaa wax kabadan hal sano isagoon waxba kula guulaysan lakiin waxaa haboon inaad sii wado dhismaha kooxdaada”.

“Waxay u ciyaarayaan sida koox isku duuban, anakana waa inaan sidoo kale samaynaa, si isku duubni ah ayaan u ciyaarnay kulankii West Brom lakiin waxaan samaynay qaladaad shaqsiyadeed”.

Van Gaal oo si gooniya uga hadlay tababare Jose Mourinho wuxuu yidhi:

“Waan ogahay inuu leeyahay xirfad fiican, waa tababare wanaagsan waana ku faraxsanahay inaan arko isagoo koobab kaqaadaya wadan kale, waana la dhacsanahay wax qabadkiisa”.

Ronaldo: Waxaan Rajaynayaa inaan Gool Ka Dhaliyo Barcelona”.

 Ronaldo: Waxaan Rajaynayaa inaan Gool Ka Dhaliyo Barcelona”.

Laacibka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa u sii biro tumanaya kulanka bari ee El-Clasico wuxuuna rajaynayaa inuu soo taabto shabaqa kooxda Barca.

Ronaldo ayaa sheegay inuu xidhan doono kabo cusub sidaas darteedna uu si wayn u doonayo inuu gool kaga dhaliyo kobaha cusub kooxda Barcelona.

29 jir kan oo lahadlay Defence Central ayaa yidhi:

“Haa, waan rajaynayaa inaan gool ka dhaliyo Barcelona bari, waayo waxaan xidhan doona kabo cusub, marwalba waxaan jeclahay kabaha cusub waayo waxaan ka helaa raaxo badan”.

“Waxaan filayaa in taageerayaashu ay ku raaxaysan doonaan kulan ka oo aan gool dhalin doono iyo guul ay gaadho Real Madrid iyo 3-da dhibic oo aan helno”.

Diego Costa Oo Fursad U Heysta Inuu Ciyaaro Kulanka Manchester United.

Diego Costa Oo Fursad U Heysta Inuu Ciyaaro Kulanka Manchester United.

Diego Costa ayaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo kulanka weyn ee Premier League ee ay la leeyihiin axada kooxda Manchester United inkastoo uu qabay virus keenay in cusbital la keeno.

Xiddiga reer Spain oo 26 sanno jir ah ayaa ku soo kabsanayay gurigiisa waxaan lagu amray inuu si gooni ah tababar u qaato sababo la xidhiidha xumadii heysay.

Sidaasi oo ay tahay macalinka Chelsea Jose Mourinho ayaa sheegay in weeraryahanka uu fursad u heysto inuu ciyaaro kulanka Old Trafford ee axada.

“Wax walba ayaa isaga ku dhacay” ayuu yidhi Mourinho. “Laakiin waxa uu heystaa fursad yar oo uu ku ciyaaro. Waan isku dayaynaa inuu ciyaaro.”

Iyadoo Loic Remy ay hubaal tahay inuu seegayo kulanka United sababo la xidhiidha dhaawac ka soo gaadhay canqawga kulankii Champions League, Blues ayaa si weyn ugu baahan in Costa uu taam noqdo ka hor kulanka Red Devils.