SLT Sports: Maxaad Ka Taqanaa Xulka San Marino Ee Caawa La Ciyaaraya England? .

(SLT-London)Maalmaha intooda badan Aldo Simoncini waxa uu ku shaqeystaa xisaabiye ahaan. Laakiin goolhaye uu u yahay xulka San Marino ma ahan waxa uu ku dheelitiri karo buuga xisaabta.

39 kulan oo uu u saftay xulkiisa San Marino, 28 jirkaan ayaa laga dhaliyay 171 gool, halka asxaabtiisa ay dhaliyeen mudadaas kaliya lix gool.

164348117

San Marino waxa auy ku jirtaa kaalinta 208aad ee kala sareynta xulalka adduunka ee qiimeynta FIFA, waana xulka ugu hooseeya, iyadoo 190 darajo ka hooseeya xulka England oo ay caawa ku wajahayaan garoonka Wembley.

“Waan jahwareeraa waqti ka waqti” ayuu qirtay Simoncini. “Cidna ma dooneyso in laga badiso kubad, iskaba daa in goolal badan looga badyee. Laakiin si fiican ayaan uga warqabnaa in xulalka qaar aanan gaari karin.”

Ma ahan wax lala yaabo. San Marino waa gobol yar oo ku yaala waqooyi bari Italy, dadka degan San Marino waa 33 kun, waxaana ay buuxin karaan kaliya seddex u qeyb qeyb ka mid ah garoonka Wembley Stadium shacabkooda oo dhan.

25 sanadood oo ay ciyaarayeen si rasmi ah kubada cagta, xulka qaranka waxa uu badiyay kaliya hal kulan. Waxa ay dhaliyeen kaliya hal gool tartan rasmi ah lixdii sanno ee ugu danbeysay. Isku daygoodii ugu danbeeyay ee ay ugu soo baxayeen koob weyn waxa uu ahaa Koobkii Adduunka ee 2014, waxaa laga badiyay dhamaan 10kii kulan ee ay ciyaareen, waxaana laga dhaliyay 54 gool.

Ciyaartoyda xulka San Marino ma ahan kuwa ku xamaashada intooda badan xirfada ciyaarista kubada cagta, waxaana ay leeyihiin shaqooyin kale oo ay ku soo dhacsadaan nolol maalmeedkooda.

Hadaba shaqooyinka kale ee ay qabtaan cioyaar yahanada xulkasi  waxaa ka mid ah:

Aldo Simoncini (goolhaye) da’da 28: xisaabiye

Mirko Palazzi (daafac) 27: wuxuu ka ciyaaraa horyaalka heerka afaraad ee Talyaaniga.

Alessandro Della Valle (daafac) 32: waxa uu ka shaqeeyaa dukaan dhoobka lagu sameeyo.

Fabio Vitaioli (daafac) 30: waxa uu ka shaqeeyaa dukaan dharka lagu iibiyo.

Lorenzo Buscarini (daafac) 23: Waa arday

Alex Gasperoni (khad dhexe) 30: waxa uu ka shaqeeyaa dukaan korontada ah.

Matteo Vitaioli (khad dhexe) 24: wuxuu ka shaqeeyaa warshad.

Michele Cervellini (khad dhexe) 26: waa qareen

Luca Tosi (Khad dhexe) 23: Xafiis ayuu ka shaqeeyaa.

Andy Selva (weerar) 38: waxa uu macalin yahay koox da’ yar ah.

Danilo Rinaldi (weerar) 26: waxa uu ka shaqeeyaa dukaan lagu iibiyo alaabta guryaha la dhigto.

Khadar Xasan Aadan.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

Email: khadar2424@gmail.com